Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo qaraxii ismiidaaminta ahaa ee Muqdisho ka dhacey cambaareeyey

55

Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareynaysaa weerarkii Argagaxiso ee maanta ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho kaasoo qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh uu kasoo gaaray dad rayid ah oo ku sugnaa goobo ganacsi iyo kuwo wadada isticmaalayay.

Dawladdu waxay tacsi u direysaa ehelada, iyo qaraabada dadkii Soomaaliyeed ee ku geeriyooday qaraxaas iyadoo ilaah caafimaad uga baryaysa kuwii ku dhaawacmay.

“Waxaan cadaynaynaa in weerarkaasi uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxaha nabad-diidka waxaana ku raadjooga laamaha amniga ee dowlada Soomaaliya” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Kooxaha Argagaxisadu waxa ay mar weliba isku dayayaaan sidii ay qalqal u gelin lahaayeen dad shacabka ah islamarkaana uu amnigu faraha uga bixi lahaa si ay usii wadaan khalalaasaha hase yeeshee dowlada Soomaaliyeed ma ogolaan doonto falalakaasi ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka warfaafinta Musatafa Sheekh Cali Dhuxulow oo hadal qoraal ah xafiiskiisa maanta kasoo saaray.

Dawladda Soomaaliya waxay uga mahadcelineysaa dadweynaha Soomaaliyeed Wadashaqaynta iyo gacansiinta kala dhaxaysa hay’adaha aminaga, waxaanuna ka codsaneynaa inay sii kordhiyaan.

Ugu danbayn waxaa ka go,an dawladda Soomaaliyeed in ay dalka ka cirib tirto kooxaha nabadda diidan ee caadeystay waxyeelada dadka Soomaaliyeed

dhuxuloow

Idale News Online Mogadishu, Somalia

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.