Daawo: Buuq hareeyey kalfadhiga golaha shacabka Somaliland

86

Waxaa maanta mar kale buuq iyo fowdo hareeyay Kalfadhiga Baarlamaanka maamulka Somaliland taas oo salka ku haysa khilaaf u dhaxeeya Gudoonka sare. Mudaneyaasha Baarlamaanka ayaa gacmaha isula tagay kuwaas oo kala taageersan guddoonka sare.


Ciidamo Boolis ah ayaa saaka xoog ku galay xarunta Baarlamaanka, waxaana la sheegay in uu dalbay Gudoomiye Kuxigeenka koowaad Baashe Maxamed Faarax oo khilaaf soo jiitamayay mudo u dhaxeeya isaga iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka C/raxmaan Cirro.
somaliland
Arrintaan ayaa ka dambeysay markii ay Baarlamaanka soo xaadireen dadweyne dhageysanayay ajandayaasha laga doodayay, waxaana taas kasoo horjeestay Gudoomiye kuxigeenka koowaad oo ku tilmaamay dad loo soo diray in ay buuq kiciyaan.

Buuqa ayaa ka yimid sidoo kale ka gadaal markii labo mooshin oo iska hor jeeda ay soo gudbiyeen mudaneyaasha Baarlamaanka oo ka dhan ah Gudoomiyaha iyo Kuxigeenada Baarlamaanka.

Kalfadhiga oo goor dambe si kooban u furmay ayaa Gudoomiyaha ka akhriyey mooshino ay soo gudbiyeen Mudaneyaal ka tirsan Baarlamaanka oo ku saabsan xeer hoosaadka oo qodobo laga beddelaayo. Qodobada la bedelaayo waxaa kamid ah tirada Xildhibaanada xilka uga tuurayaan Gudoomiyaha oo markii hore ahaa 55 haddase ay soo gudbiyeen in laga dhigo 42.

Xildhibaanada ayaa la kala saftay labada dhinac, waxaana uu Gudoomiyaha Baarlamaanka markii uu kahor akhriyey mooshinada xiray kalfadhiga balse taas waxaa diiday xildhibaano mucaaradsan.

Gudoomiye C/raxmaan Cirro oo la hadlay BBC-da ayaa ku eedeeyay Xukuumadda gaar ahaan Madaxweyne kuxigeenka Somaliland in uu ka dambeeyo fowdada isla markaana uu abaabulaayo Xildhibaanada.

Shalay sidaan oo kale ayaa buuq ka dhashey kalfadhiga Baarlamaanka, waxaana markii dambe soo kala dhexgalay Odeyaasha guurtida oo xaaladda dejiyey.

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.