Shir Albaabada u Xiran Yihiin oo Hada Xarunta ADC-da Uga Socda Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya

112

Waxaa haatan ka soconaya gudaha Xarunta ADC-da Shir ay Albaabada u xiran yihiin kaasoo ay yeelanayaan Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shirkaan oo aan si rasmi ah loo ogayn arimaha ay uga hadlayaan Gollaha Guurtida K/galbeed, ayaa warar horudhac oo ay heshay Ishabaydhaba sheegaya in looga hadlaayo Doorashada Gudoomiye ku Xigeenka Gollaha Guurtida iyo Guddiga Doorashooyinka oo maanta dhici doonta.

Dhanka kale Xarunta ADC-da ayaa hada waxaa kusoo qulqulaya Ergooyinka iyo Siyaasiyiinta Shirweynaha Koonfur Galbeed.

Si kastaba ha ahaatee waxaa laga wada dhur sugayaa natiijada kasoo baxda shirkaan Albaabada u xiran oo ay hada leeyihiin Gollaha Guurtida Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Kala Soco idale news online Wararkii Ugu Danbeeyay ee Konfur Galbeed Soomaaliya.

Shirka BAYDHABA

Idale News Online, Baydhaba.

You might also like More from author

Comments are closed.