Alshabaab oo xayiraadii saarneyd Teleefonada Hormuud ee gobolada Jubooyinka ka qaadey is afgarad ka dib

45

Kooxda Alshabaab ayaa maanta oo khamiis ah fasaxday adeegyadii teleefoonka ee shirkada Hormuud ee labada Jubbo ka dib markii xarakada Alshabaab ay u daminey hab dhiskii isku xiri jiray goboladaasi iyo Magaalada caasimada ee Muqdisho.

Wariyayaal goboallada Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe ku sugan ayaa u shabakada Idale News Online in xayiraadkii teleefoonada Hormuud ee goboladaasi laga qaadey ka dib is afgarad dhex maray shirkada Hormuud iyo Xarakada Alshabaab.

Lama oga waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen iyo in shirkada Hormuud ogolaadey bixinta dhaqaale ay kooxdaasi hore u dalbatey iyo in kale.

Hormuud

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.