8 Musharax ayey Guddiga Doorashada Madaxweynuhu sheegeen in ay buuxiyeen sharuudihii laga rabey

39

Guddiga doorashada madaxweynaha Somalia ayaa maanta shaaciyay magacyada murashaxiin buuxiyay shuruudihii looga baahnaa kuwaasoo ka mid ah 37 xubnood oo illaa iyo hadda gudbiyay araajidooda.

Afhayeenka guddiga doorashada madaxweynaha, xildhibaan Cismaan Libaax oo kula hadlay warfidiyeenka illinka hore ee xarunta golaha shacabka ayaa sheegay in sideed murashax oo ka mid ah xubnaha doorashada madaxweynimo u taagan ay illaa hadda u soo gudbiyeen foomam ay kusoo buuxinayaan shuruudaha looga baahan yahay.

“Murashaxiinta illaa iyo hadda foomamkii shuruudaha soo buuxiyay oo dib noogu soo celiyay waa sideed murashax oo kala ah: C/raxmaan Macallin C/llaahi (Baadiyoow), Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, C/weli Maxamed Cali Gaas, C/llaahi Axmed Caddoow, C/weli Cilmi Goonjeex, Shariif Sheekh Axmed, Prof Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maslax Maxamed Siyaad Barre ” ayuu afhayeenku ku sheegay shirkiisa jaraa’id.

Xubnahan ayaa la sheegay inay soo buuxiyeen saxiixa labaatankii xildhibaan ee loo baahnaa inay kalsoonida ka haystaa, inay shubeen lacagihii looga bahnaa ee 10,000 dollar ah iyo iyagoo soo buuxiyay shuruudo kale oo lagu xiray.

“Waxaa inoo diiwaan-gashan 37 murashax, waxaana sugaynaa in inta dhiman ay soo buuxiyeen shuruudaha oo ay soo gudbiyaan illaa 5:00 galabnimo ee maalinta berri ah,” ayuu yiri afhayeenka guddiga doorashada.

Su’aal ahayd inay jiraan xubno ay dib ugu celiyeen foomamkii oo soo buuxin waayya shuruudihii looga bahaa ayaa wuxuu kaga jawaabay inaysan jirin cid ay ku celiyeen foom, isagoo sheegay inay filayaan in xubnaha intooda badan ay dib ugu soo celiyaan foomamka inta aan la gaarin xilliga la joojinayo arji qabsahada.

Doorashada Madaxweynaha ayaa sida la qorsheeyey dhaceysa bishaan September 10keeda, iyadoo maanta ama beri la filaayo  in la helo musharaxiin kale oo soo dhameystira sharuudaha doorashada madaxweynaha.

Idale News Muqdisho

Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.