Faalo: Maxay ka dhigan tahay Doorashada Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia

0 126

Sida aad la socotaan waxaa magaalada Baydhabo in muddo ah ka socday shir lagu yagleelaayo dowlad goboleed ka kooban lix gobol oo dhaca Koonfurta Soomaaliya kuwaasoo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Shabeelaha Hoose, Bay, Bakool iyo Gedo. Shirku waxa uu dhowaan ansixiyey dastuur iyo astaanta u gaar ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Sidoo kale ergada shirka waxay doorteen isla markaasna la dhaariyey gole ka kooban 73 xubnood kuwaasoo noqon doona golaha aqalka sare ee uu yeelanaayo maamulkaasi, golaha cusubna waxa uu gudoomiye u doortay Malaaq Xasan Shure Maxamuud. Sidoo kale golaha aqalka sare  ayuu sharcigu siinayaa inuu doorto Madaxweynaha iyo labada Madaxweyne ku xigeen ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Golaha guurtida ayaa dhamaantood ah odayaal dhaqameed, waxaana xiligii xoriyada (1960kii) ka hor lagu xasuustaa dhaqanku inay ahaayeen kuwii xalin jiray wixii xurguf iyo is afgaran waa ah ee soo kala dhex gala laba beelood sida daaqa , waraabka , guurka iyo waxyaabo kale oo badan. Xeerka Beelaha u dhaxeeya waxaa ilaalin jiray odayaal dhaqameedyo loo yaqaanay Guurti , odayaal dhaqameedyadaas waxaa lagu soo xuli jiray in ay leeyihiin astaamahan hoos ku qoran sida karti , eex la aan , daacadnimo , deeqsinimo iyo alla ka cabsi.

Markii dagaalada sokeeye dalka ka dhaceen Isbedel aad u weyn ayaa ku dhacay doorkii madax dhaqameedyadu ku laahaayeen bulsho weynta Soomaaliyeed, isbedelkaasna waxaa ka mid ah:

  1. In ay doorkii dhaqanka ku bedeleen midkii siyaasada,
  2. In ay taageereen beelahoodii.
  3. In ay qeyb-libaax ka qaateen bur burka iyo kala qeybsanaanta ka dhacday dalkii .
  4. In ay kaalintii siyaasiyiinta iyo tii dawladaba la wareegeen oo ay shirar ugu baxaan dalalka dibeda ayna la shiraan safaaradaha reer galbeedka iyo dalalka shisheeyaha ah .
  5. In ay dhiiri galiyaan samaynta iyo ku dhawaaqida maamul gobaleedyada.
  6. In ay meesha ka saareen doorkii dhalinyarada iyo jiilka cusub ee soo koraaaya ee  dhaxalka u lahaa talada & hogaaminta dalka.
  7. In ay ka qeyb noqdaan qeybta ugu weyn ee system_ka dowladnimo iyo habka sharci dajinta dalka inkastoo ay jiraan gole hoose oo sharci dejin.

Intaas aan kor ku xusay iyo in kale oo badanba oo aanan halkan ku soo koobi karin waxa ay meesha ka saareen  waxqabadkii iyo kaalintii muhiimka ahayd ee ay madax dhaqameedadu ku dhex lahaan jireen  bulsho weynta Soomaaliyeed  meel kasto oo ay joogaan.

Haddaba Maxay ka dhigan tahay doorashada  Malaaq Xasan Shure Maxamuud loo doortay inuu noqdo Gudoomiyaha Golaha Guurtida ama Aqalka Sare ee Dowlad goboleeka Koonfur Galbeed Soomaaliya?

Marka dhinacyo badan laga eego dhismaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed waxuu yeelan doontaa xilalkaan soo socda:

  • Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo labo ku xigeen
  • Gudoomiyaha Aqalka Hoose iyo labo ku xigeen
  • Madaxweyne iyo Labo ku xigeen

Maadaama qaab dhismeedka KG ay tahay arrin u wada taala inay go’aan ka gaaraan dhammaan beelaha ay khusayso ee dega lixda gobol ee maamulkaasi ku howlan dhismihiisa, haddana waxaa hubaal ah in beelaha kale ee Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan doonaayaan inay  door hogaamineed oo muuqda ku yeeshaan dhismaha maamulka ay garwadeenka ka yihiin qaarkood.

Sidaasi darteed, ma la oran karaa  doorasashada Malaaq Xasan Shure ee xilka Gudoomiyaha Golaha Guurtida dowlad goboleedka KG waa mid lagu degdegay isla markaasna meesha ka saareysa saamigii iyo hankii beelaha Digil & Mirifle ka qabeen qabashada xilka ugu sareeya ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya?  Sidee ayeyse u arkaan beelaha Direed, Daarood, Hawiye iyo Beesha 5aad ee qeybta ka ah shirka Baydhabo in xilalka ugu sareeya ee dowlad goboleedkaasi qabtaan ama isku darsadaan  Beelaha DM ?

Jawaabta su”aasha waxaan u dayneynaa waqtiga iyo natiijada shirka, hase ahaatee, marka la eego xaalada siyaasadeed ee dalka iyo awood qeybsiga beelaha  waxaa muuqata in xaalku adkeyn haddii loo daayo dadka meesha ku dhaqan go’aan ka gaarista qaab-dhismeedkooda iyo hogaankooda siyaasadeed.


W/D Muudeey Mayow Maamuud

Calanka KGS

Idale News Online,

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.