Guuto Ciidanka Uganda ee AMISOM oo maanta dib ugu laabtey dalkooda iyo bedelkooda oo labo todobaad gudahood laga sugaayo Muqdisho

101

Guuto ka tirsanayd Ciidamadda Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM oo maanta dib ugu laabtay dalkooda Uganda. Ku-dhawaad 680- Askari oo ka mid ah Ciiddamadda Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka Nabad-ilaalinta Somalia ee AMISOM ayaa manta dib ugu laabtay dalkooda hooyo, kadib, markii ay muddo hal sanno joogeen Somalia.

Ciidamaddaasi oo abaarihii 11-kii barqanimo ee manta ka degay magaalladda Entebe oo ku dhow Caasimadda dalka Uganda ayaa waxay Somalia joogeen tan iyo bishii January ee sannadkii hore ee 2013-kii.

Diyaarad Xamuul oo ay QM leedahay ayaa lagu daabulay Ciidamadaasi, waxaana Garoonka Entebe ku soo dhaweeyey Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Uganda, Major General David Muhoozi.

Dhinaca kale, Ciidamo cusub oo ka tirsan Milliteriga Uganda ayaa maalmaha soo socda laguwadaa in loo soo daabulo Hawlgalka AMISOM. Taliye lagu magacaabo Colonel William Bainomugisha ayaa hoggaaminayo Ciidamadda cusub ee ku soo wajahan dalka Somalia

SOMALIA-UNREST-AFRICANUNION-BAIDOA

Idale News Online, Mogadishu

You might also like More from author

Comments are closed.