Golaha Guurtida Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somalia oo doortay gudoomiye

133

Golaha Guurida Aqalka Sare ee dowlad goboleedka KG Somalia ayaa doortay godoomiyaha Golaha guurtada Aqalka Sare, ka dib markii ay jagadaasi isu soo sharaxeen odayaal gaaraaya 4 qofood oo ka soo jeedaha Beelaha Gaaljecel, Ogaadeen, Digil & Mirifle. Inkastoo xubnihii u tartamaayey xilkaasi ka tanaasuleen ayaa waxaa ugu dambeyntii isugu soo harey Malaaq Xasan Shure iyo Malaaq Xasanow Cumaroow. Waxaaan markii dambe Malaaq Xasan Shure ayaa helay 40 cod halka Malaaq Cumuroow uu isna helay 5 cod oo kaliya. Malaaq Xasan Shure ayaa ka dib la wareegay shir gudoonka aqalka sare ee golaha guurtida dowlad goboleedka koonfur galbeed Somalia.

Golaha Guurtida oo ka kooban 45 xubnood oo ka soo jeeda beelaha 6da gobol ee maamulkaasi ka kooban yahay ayaa Malaaq Xasan Shure Maxamuud oo ka mid ah malaaqyada DM oo tartamaayey u doorteen Xilka Ugu Sareeye ee Dhanka Golaha guurtada Aqalka Sare, waxaana golaha sidoo kale ay isla goobta ka shaaciyeen in maalinta beri oo Talaado ah la dooran doono xubnihii Baarlamaanka ayadoo lagu soo xuli doono Qaab Awood Qeybsi.

Waxaa shirkii maanta shir Gudoomiye ka ahaa Malaaq Aamiin Baraawiiny.
xasan
Idale News Online, Baydhabo

You might also like More from author

Comments are closed.