Daawo: Ergo weli ku qulquleysa magaalada Baydhabo si ay uga qeybgalaan….

120


Waxaa magaalada Baydhaba maalmihii ugu dambeeyey soo gaaraayey ergooyinka ka socday gobolka Shabeelaha Hoose kuwaasoo la sheegay in ay taageersan yihiin shirka maamulka u sameynta 3da gobol ee hoteel Bakiin uga furmay taageerayaasha gudoomiyihii hore ee barlamaanka Shariif Xasan Sheikh Aadan, waxaa wafdiga maanta yimid oo la hadlaayey saxaafada gudaha iyo dibada ay sheegeen in ay taageersan yihiin maamul ka kooban seddex gobol oo kala ah Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool.

Ujeedka Wafdiga soo gaaraaya magaalada Baydhabo ayaa lagu sheegay in kooxda shirka hoteel Bakiin ay doonaayaa in ay tusaan miisaankooda wafuuda ka kala socota dalalka midowga Yurub oo uu wehliyo ergiga qaaska ee qaramada midoobey ee Somalia, iyo masuuliyiin sare oo dowlada dhexe oo dhawaan laga filaayo in ay gaaraan degmada Baydhaba si waxa meesha ka socda u soo xuuraansadaan.
SHIRKA  BADYHABA

You might also like More from author

Comments are closed.