Xubno ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya oo lagu xiray magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland

74

Seddex xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa laga qabtay gegida diyaaradaha ee Hargeysa. Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulka Somaliland Cali Maxamed Warancade oo qabashada xubnahaan uga warbixiyay laanta afsoomaaliga ee idaacada BBC ayaa sheegay in Booliska Soomaaliland gelinkii dambe ee shalay gedida diyaaradaha ee Hargeysa ka qabteen 3 xubnood oo ka tirsan DFS isagoo sheegay inay doonayeen in si dhuumasho ah kusoo galaan magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in seddexdaan xubnood ay diyaarad kasoo raaceen Muqdisho taas oo ku ekayd Hargeysa, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay magacyadooda iyo shaqada ay ka hayaan Dowlada dhexe ee Somalia isagoo ku kala sheegay sidaan :

  • Jaamac Maxamed jaamac oo ah madaxa baratakoolka ee madaxtooyada dowladda Soomaaliya,
  • Fahiima Nuur Nageeye oo ka tirsan xafiiska Ra’iisalwasaaraha Soomaliya, iyo
  • Cabdicasiis adam oo ah dibloomaasi ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya.

Wasiirku wuxuu kaloo sheegay in hadda saldhiga Booliska lagu hayo maxkamadna lasoo taagi doono maadaamo dastuurka somaliland uusan ogolayn in Somaliland uu soo galo qof xil ka haya dowlada Somalia.

hargaysa airport

Idale News Online Hargaysa.

You might also like More from author

Comments are closed.