Prof Xasan Sheekh Maxamuud oo safka hore ee doorashada Madaxweynaha hal mar ka soo muuqdey

10

Kulankan Maanta uu la qaatay Musharax Xasan Shiikh Maxamuud oo u tagaan Qabashada Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya Beel Weynta Hawiye ayaa waxaa kasoo qayb galay Odayaal Waxgarad Dhalinyaro Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirasan Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale kulanka waxa ka soo qaybgalay Barbaarta Gaashaaman oo Halkaasi ku soo bandhigayay Suugaan ay ku Amaanayeen Musharax Xasan Shiikh Maxamuud.

Waxaa halkaasi ka hadlay oo Qudbado kala duwan ka jeediyay Odayaashii iyo Waxgaradkii kulanka kasoo Qaybgalay waxana ay sheegeen in Xasan Shiikh uu yahay Aqoonyahan u qalma Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya ayna Taageersanyihiin.

Sidoo kale waxay sheegeen dadkii halkaasi ka hadlay in Musharax Xasan Sheekh Maxamuud uu karti iyo aqoon uu u leeyay samatabixinta wadanka, oo haatan ku jira xaalad adag.

Ugu Dambeentii ayaa waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyahay Xisbiga Nabada iyo Hormarka Ahna Mushrax u taagan Xilka Madaxwaynenimo ee Soomaaliya Prof. Xasan Shiikh Maxmuud waxaana uu sheegay in haddii uu ku guuleysto Xilkaasi uu wax ka badali doono sida Hadda Xaalku uu yahay

Prof. Xasan Sheekh ayaa sheegay in loo baahanyahay musharax u istaaga badbaadinta wadanka iyo waliba kasamatabixinta xaalada wadanka uu haatan ku jiro, wuxuuna sidoo kale uu sheegay in loo baahanyahay in la helo ruux daacad u ah wadanka.

Magaalada Muqdisho Waa Caasimadda Dalka Soomaaliya waxaana ay Marti galineysaa Doorashada Madaxtinada Dalka iyadoona dhawan lagu qabtay Doorshada Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya.

 

 

 

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.