Saraakiisha Ciidanka DF soomaliya oo ku Hanjabey in ay ka saarayaan Al-shabab Gobolada Bay,Gedo& Bakool.

111

Saraakiisha ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya ee Gobalka Baay, ayaa waxa ay sheegeen in Shabaab ay ka saari doonaan guud ahaan Gobalada Baay iyo Bakool iyo Gedo dhawaan.

Sida uu sheegay Generaal Ibraahin Yaroow oo ah Taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliya ee Gobalka Baay, ciidamada Dowladda federaalka Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Ethiopia ayuu sheegay inay Shabaab kala wareegi doonaan gobalada dalka.

Dagaalada ay qaadi doonaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayaa wuxuu ka muujiyay kalsooni buuxda oo ku aadan in Shabaab guud ahaan Gobaladaasi ay ka saaraan.

Tan iyo markii ciidamada Ethiopia ay si rasmi ah kaga mid noqdeen howlgalka Midowga Afrika ee dalka Soomaaliya, waxaa soo baxaye hanjabaado kala duwan oo kasoo yeeraysay saraakiisha ciidanka Dowlada Soomaaliya ee Gobalada Baay iyo Bakool oo ku aadan in Shabaab ay kataqalusi doonaan.

Al-Shabaab ayaa ku biiritaanka ciidanka Ethiopia howlgalka Amisom ku tilmaamay mid aan waxba soo kordhin doonin.

askarta

Idale News Online, Koonfur Galbeed soomaaliya.

You might also like More from author

Comments are closed.