Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Maraykanka

79

War goor dhowayd naga soo gaaray dalka Mareykanka ayaa sheegaaya in uu geeriyooday Rabbi ha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xassan.

Geeridiisa ayaa timid kadib mudooyinkii lasoo dhaafay xanuun lasoo deristay, waxaana uu ugu dambeyn geeriyooday maanta oo jimce ah (waqtiga Maraykanka).

marxuunXuseen

Allahu naxariiste Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa ahaa Raysalwasaaraha Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 14kii bishii June sanadkii 1964-tii illaa 15kii bishii July sanadkii 1967-dii.

Dadkii ay soo wada shaqeeyeen waxay ku tilmaameen in uu ku dhaqmi jiray maamul hufan oo la dirrira xatooyada hantida Umadda.

Inta uusan noqon Ra’iisul Wasaare,  xubin firfircoon ayuu ka ahaa dhaq dhaqaaqii xornimadoonka ee SYL, wuxuuna kamid noqday Baarlamaanadii rayidka ahaa ee Dowladdihii Madaxweynayaashii Aadan Cadde iyo C/rashiid Cali Sharma’arke.

Markii uu dhacay afgambigii milateri ee aan dhiiga ku daadan, Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu kamid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guri balse mudo kadib lasii daayay, waxaana uu inta kadib noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay.

Gadaal ayaan kasoo daabici doona taariikhdiisa oo faahfaahsan

You might also like More from author

Comments are closed.