Xukuumada Dr. Cabdiweli Sheekh Axmed oo sheegtay in ay howlaha dib udhiska dalka garsinayso gobolada.

120

Wasaaradda howlaha Guud iyo Guryeenta ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasaaraddu dejisay qorshe howleed loogu talagalay horumarinta dismaha iyo sidii Gobollada dalka la gaarsiin lahaa howlaha ay Wasaaraddu dejisay ee xagga dib u dhiska.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda howlaha guud iyo Guryeenta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Ismaaciil Shuuriye oo u waramay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Wasaaraddu qorsheyneyso sidii loo gaarsiin lahaa guud ahaan dalka dib u dhis buuxa, isagoo xusay in haatan ay wadaan sidii qorshahaasi loo dhaqan gelin lahaa.

Bur bur lixaad ah ayaa dalka gaaray, qaarkood waxa ay u baahanyihiin dib u dhis, marka annaga waxaa noo qorsheysan qorshe aan dib u dhis ugu sameynayno xarumihii dowladda ee dagaalladu ku bur buray oo ay ugu horeeyaan kuwa ku yaalla gudaha Gobalka Benaadir” ayuu yiri

Mudane Maxamed Ismaaciil ayaa waxa uu xusay in Wasaaraddu ay mas’uul ka tahay dib u dhiska dalka, isagoo tilmaamay in gobollada qaar laga fulin doono dib u dhis, islamarkaana lala kaashan doono maamullada gobollada dalka ka jira.

cabdi-wali

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.