XOG: Yaa ku dagaalamaya Gobolka Shabeelaha Hoose?( Akhriso).

52

G/Sh/Hoose:Waxaa mar kale dib uga soo cusboonaaday deegaanno kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo u dhaxeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Deegaanada kala ah Jannaale, Mareerey iyo Wanleweyn ayay ka billowdeen dagaalladaasi waxaana ay u dhaxeeyaan ciidamo ka wada tirsan oo u abaabulan qaab beeleed.

Beelaha Habar-gedir iyo Biyomaal ayuu u dhaxeeyay dagaalkii hore ee gobalkaasi ka dhacay waxaana sidoo kale hadda soo cusboonaaday dagaal kale oo isna udhaxeeya labo beelood.

Warar la helay ayaa sheegaya in dagaalkaasi uu u dhaxeeyo ciidanka dowladda u u abaabulan qaab beeleed.

Beelaha dagaalamaya ayaa isugu jira Habar-gedir, Biyomaal iyo Gaaljecel wararka qaar ayaa sheegaya in ay dagaalka qeyb ka tahay maleeshiyo ka soo jeeda beesha Raxanweyn.

Xog ay heshay warbaahinta ayaa sheegaysa in dagaalkani ay lug ku leeyihiin saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Federal-ka Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa u xaqiijiyay in dagaalka ka soconaya Jannaale uu salka ku hayo qabiil isla markaana ciidamada dowladda ee diriraya ay u abaabulan yihiin qaab beeleed.

Saraakiil ciidan ayaa laga soo xigtay in ciidamada dagaallamaya ay wataan beelo isku haya gobalka Shabeellaha Hoose.

Ilaha la hadlay warbaahinta oo diiday in la xigto magac iyo codba waxay xaqiijiyeen inuu jiro khasaare ka dhashay dagaalkii socday maalmihii la soo dhaafay.

Shabeelaha Hoose

Idale News Online, Gobolka Shabeelaha Hoose.

You might also like More from author

Comments are closed.