Daawo: Warbixin ku saabsan Qorshaha ciidanka Kenya looga saaraaya magaalada Kismaayo dhamaadka bisha Febraayo ee sanadkaan

65

Warbixin lagu kalsoonaan karo oo Idale News Online ay heshay kuna aadan go’aankii ka soo baxay kulankii wasiirada difaaca ee dalalka xubnaha ka ah AMISOM ee horaadkii bishaan Janaayo ka dhacay Addis Ababa ayaa waxaa lagu go’aamiyay in sector cusub laga sameeyo magaalada Kismaayo oo ka madax banaan ciidamada kale ee ku sugan sector 2.

Qorshahan ayaa wuxuu dhigayaa in dhamaadka bisha Febaraayo ciidanka Kenya ee haatan ka howlgala gobolka Jubbada Hoose gaar ahaa magaalo xeebeedka Kismaayo laga saaro halkaas, laguna reebo ciidan tiro ahaan gaarsiisan 130 ilaa iyo 170 askari oo ciidanka Kenya ah, isla markaasna hogaanka iyo taliska ciidanka AMISOM ee magaalada Kismaayana lagu wareejiyo hal guuto oo Sierra Leone ah oo wehelinayaan ciidan Burundiyaan ah iyo Boolis Nigerian ah.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee Kismaayo Walter Raria oo u arrintan wax laga weydiiyay ayaa sheegay in qorshaha cusub ee ciidanka KDF (Kenya Defence Force) looga bedalaayo Kismaayo ayaa qaadan doonta muddo 2 bilood ilaa afar bilood ugu badnaan.

AMISOMkismaayo

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.