Tarsan oo weerar afka ah ku qaaday Amiirka Xarakadda Al Shabaab ee Soomaaliya.

82

Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), ayaa wuxuu galabta uu weerar kulul oo afka ah uu ku qaaday Amiirka Ururka Al Shabaab Axmed Cabdi Aw Maxamed (Godane), balse isku magacaabay Sheekh Mukhtaar C/raxmaan (Abuu Zubeyr).

Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in Amiirka Al Shabaab uu dhabar jarid daran ku haayo dhalinyaradii Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in Amiirka Al Shabaab uu dhalinyadii Somaliyeed ka xaday maskaxda, isla-markaana uu u adeegsanaayo dagaalada uu ka wado Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in shacabka Somaliyeed looga baahan yahay in lala dagaalamo Amiirka Al Shabaab, ayna soo sheegaan dhalinyarada la khalday ee Al Shabaab ka tirsan.

Sidoo kale Tarsan wuxuu sheegay in nin kasta oo Al Shabaab ka tirsan oo maskaxda laga xaday, ay u samayn doonaan dhaqan celin, si uu kaga laabto fikirka khaldan ee lagu shubay.

Tarsan, ayaa horey marar kala duwan weerar afka ah ugu qaaday Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, markii uu ku eedeeyay in ay si khaldan u fahmeen Diinta Alle.

Tarsann
Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.