Dagaal Khasaaro Geystey oo ka soconayo gudaha Degmada Daafeet oo u dhaxeeyo ciidamada Deegaanka& kuwo laga soo daad gureeyey Muqdisho& Janaale.

54

wararka ka imaaneya Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoosey ayaa shegayaan in degmadaasi haatani ka qarxey dagaal ka fool ka fool ah.

dagaalka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa yimid kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ee iyagu ka kala ambabaxay Magaalooyinka Muqdisho iyo Degmada Janaale ay gaareen Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaana la sheegay in Ciidamadaasi ay isku dhaceen Ciidamo horay ugu sugnaa Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Inta la ogyahay Ku dhawaad 7 Ruux ayaa ku dhimatay 15 kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi maanta ka dhacay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

dagaalkan ayaa daba Jooga dagaal shalay ka dhacay Gudaha Degmada Wanlaweyn kaas oo ka dhashay kadib markii Ciidamada Degmada Wanlaweyn ay isku dayeen in ay hub ka dhigis ku sameeyaan Ciidamo Isbaaro ay u tiilay Gudaha Degmadaasi.

Si kastaba Iska Hor’imaadka maanta dib uga qarxay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa hakad geliyay isku socodkii Gaadiidka dadweynaha iyo Howlaha adeega Bulshada ee DegmadaasibreakingIdaleNewsidale.

 

xasan basha

Idale News Online, Wanleweyn

You might also like More from author

Comments are closed.