Al-Shabaab oo sheegay inay u aargudayaan muwaadin Soomaaliyeed oo ay AMISOM dileen.

51

Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay ka hadleen falkii mid kamid ah gaadiidka AMISOM uu ku dilay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho gaar ahaan nawaaxiga daarta Trepiano.

Guddoomiyaha Al-Shabaab Gobalka Banaadir Sheekh Cali Maxmed Xuseen Jabal oo la hadlay warbaahinta Shabaab, ayaa sheegay inay u aar gudi doonaan falkii muwaadinka Soomaaliyeed ay ku dileen ciidanka AMISOM.

Cali Jabal wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ogeysiinayaan in dadka ay laynayaan ay ka dhasheen dad ka damqanaya dhibaatada ay ugeysteen muwaadinkaasi.

Wuxuu hadalkiisa intaasi raaciyay inay u aargudi doonan falkii muwaadinkaasi Soomaaliyeed ciidanka AMISOM ay ku dileen, islamarkaana ay ka shanlayn doonaan AMISOM sida uu yiri.

Shalay subaxdii ayeey aheyd markii mid kamid ah gaadiidka AMISOM uu Muqdisho ku dilay nin lagu magacaabi jiray Saalax oo taksiile ah, kadibna uu cararay gaarigii falkaasi geystay, iyadoo mardambe ay suuragashay in gacanta ay kusoo dhigaan ciidanka taraafikada gaarigaasi

tacadi-amisom_21

 

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.