Dagaal khasaaro Gaystey oo ka dhacey Degmada Wanleweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

123

Wanleweyn:Iska Hor’imaadyo Khasaaro geystay oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay ku dhexmareen Degmada Wanlaweyn(Daafeet) ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Sida dad Goob Joogayaal ah ay  xaqiijiyeen Ciidamadaan oo qaab qabiil u abaabulnaa islamarkaana ka tirsan Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya  ayaa waxaa dagaal uu ku dhexmaray Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Ugu Yaraan 1 Askari oo dhinacyadii dagaalamay ka tisranaa ayaa ku dhintay iska Hor’imaadka 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen iyadoo la tilmaamayo in khasaaruhu uu intaa ka badan karo.

Masuuliyiinta dowladda iyo Saraakiisha Gobolka Shabeelaha Hoose  ayaan weli ka hadlin Dagaalkaasi dhex maray Ciidamada ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudooyinkii dambe, waxa ka jirey gobolk ashebelaha Dagaal beeladyo, isbaarooyin, ay dhiganayeen sida la sheegey ciidamo ku lebisan dareeska ciidamada DF soomaaliya, kuwaasoo dhib weyn ku haayo dadka rayid ah ee degmooyinka gobolka.

Ciidan Belled

Idale News Online

 

 

You might also like More from author

Comments are closed.