Daawo: Gabar Soomaaliyeed oo u dhaxda Nin Taliyaani ah oo sheegtay in Taliyaha Hogaanka Socdaalka Jeneraal Gaafoow xoog kaga haysto guri ay leedahay

130

Tan iyo markii Dowladiii Soomaaliya bur bur tay 22 sano ka hor ,ayaa waxaa Soomaaliya ka dhacay bur bur iyo dhibaato badan iyadoona  laga kala cararay hanti badan oo ay ku jireen  guryo, waxaana Magaaladda Muqdisho lagu ka la dhacay guryo, waxaana hadda Muqdisho ka taagan dhibaato la xariirta dhanka guryaha iyo qaabkii la isgu soo celinlahaa.

waxaa hada la is ku heystaa Guri ku yaala Magaaladda Muqdisho oo u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho ,kaasi oo la sheegay in ay la heyd Gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ifraax Shiikh C/laahi oo ilmo u dhashay nin Talyaani ah.

Ifarax iyo Qaraabadeeda oo ay wada  socdaan, ayaa waxaa ay tageen Magaaladda Muqdisho si ay u soo ceshtaan Hantidoodii waxaana ay la kulmeen Caqabado kala duwan waxaana hada ay Ifraax iyo Qaraabadeeda ay sheegayaan in guriga  uu hada uu sheeganaayo General Gaafoow oo uu leeyahay Guriga anaga ayaa is kaleh

ifrahGuri

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.