Akhriso:Dastuurka Cusub Ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

49

“Umad waliba aayaheeda iyadaa leh”

Ararta Dastuurka Dowlada Koonfurta–Galbeed:

Magaca Naxriista iyo Nuurka Rabbi darteed, Anaga oo ah dadka ku nool Gobollada Koonfurta–Galbeed ee Dalka Soomaaliya.

Waxaa naga go’aan ah inaan waa cusub abuurno, si aan ugu soo kabano musiibadii ku dhacday Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Gobollada Koonfurta –Galbeed, dagaaladii sokeeye dartood iyo Abaarihii is daba jooga ahaa.

Waxaan ku mintidaynaa una ambaqaadaynaa hannaan iyo hab cusub oo u horseedi kara Dowladda Koonfur Galbeed, kuna dhisan Shareecada Islaamka, cadaalad, sinnaan, nabad, shaqo iyo horumar, dhowraysana sharciga sharafta qofka iyo xurmada bulshada.

Annaga oo ka duulayna mabda’a wadatashiga iyo wax–wadaag caddaalad ku dhisan, waxaan doonaynaa in aan walaalahayna Soomaaliyeed ku wada noolaanno is qadarin iyo is faham.

Waxaan ku hawlgalaynaa walaalahayna Soomaaliyeedna ugu yeeraynaa in aan wadajir ugu halgano dib–u–dhiska Qaranka Soomaaliyeed ee burburay.

Dowladda Koonfur–Galbeed, waa qayb ka mid ah Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Sida ku cad Qodobka 1aad, Faqradiisa 1aad oo loo akhriyey Qodobka 11aad ee Axdiga Ku–Meel–Gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed

Dastuurka cusub ee Dowladda Koonfur–galbeed waxaa lagu saleeyay sida hoos ku cad:

Shareecada Islaamka

Isku dheeli–tirka awoodaha Dowladda, Xeer dejinta, fulinta iyo garsoorka.

Habka wada tashiga iyo go’aan wadaaga.

Baahinta xukunka.

Habka xisaabaadka.

QAYBTA KOOWAAD

XUBINTA 1AAD

MABAADI’DA GUUD

QODOBKA 1AAD

SARRAYNTA SHARCIGA

Sharciga ayaa ka sareeya qof kasta.

QODOBKA  2AAD

QAYBAHA DOWLADA

(SEPRATION OF POWER).

Dowlada K.G waxay ku dhisantahay mabda’a qaybaha dowlada, kaas oo macnihiisu yahay.

Xeer dejinta (Lagislative)

Fulinta          (Excutive )

Garsoorka    (Judicial)

QODOBKA 3AAD

MAGACA IYO NIDAAMKA DOWLADDA

Magaca Dowlada waa Dowladda Koonur-Galbeed ee Soomaaliya

Dowladda Dowladda Koonfur-Galbeed waa Dowlad – goboleed Soomaaliyeed oo u madaxa – bannaan is maamulkeeda, kuna dhisan habka wada tashiga, Dimoqraadiyada ah iyo nidaamka xisbiyada.

Maamamulka Dowladu waa mid ballaaran, awooda ugu saraysana tan (Eebe mooyee) shacbiga ayaa iska leh, isaga oo awoodaas u adeegsanaya si toos ah oo Dastuurka iyo shuruudaha waafaqsan, qof ama qayb ka mid ah shacabka ma sheegan karo, kumana tagri fali karo gooni ahaan.

Dowladda Koonur-Galbeed waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saran baadi goobka iyo dhowridda Dowlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaalka ah.

QODOBKA 4AAD

DHULKA, SOOHDIMAHA & XUQUUQAHA SOOHDIMAHA

Dowlada Koonfur-Galbeed, waxay ka kooban tahay gobollada kala ah:

Bakool, Bay, Gedo, Jubadda Dhexe, Jubadda Hoose iyo Shabeelaha Hoose.

Soohdimaha Dowladda Koonfur–galbeed waa Gobolladaas & Degmooyinka ay ka kooban yihiin.

Midnimada Dowladda Koonfur–Galbeed laguma soo xadgudbi karo, Dhul, Cir iyo Bad toona.

Inta ku siman Soohdimaheeda (Dhul, Cir iyo Badba), DKG waxay la leedahay xuquuqihii awoodeed oo ay lahaayeen Dowladii hore.

QODOBKA 5AAD

DADKA

Dadka Dowlad–Goboleedka Koonfur – Galbeed waa muwaadhiniinteeda oo dhan, lamana kala qaybin karo.

QODOBKA 6AAD

MUWAADHINNIMADA

DOWLADA KOONFUR–GALBEED

Muwaadhinimada Dowlada Koonfur–Galbeed, waxaa soo cadaynaya degmada uu qofka ka tirsan yahay.

Muwaadhinku ma luminayo jinsiyadiisa ee Dowlada Koonfur–Galbeed hadii uu dhalasho kale qaato.

Helida iyo dhuminta muwaadhinimada Dowlada Koonfur–Galbeed, waxaa lagu soo saarayaa xeer gaar ah 12 (toban iyo labo) bilood ka dib, dhaqangalka Dastuurkan.

QODOBKA 7AAD

DIINTA

Diinta Islaamku waa Diinta keliya ee Dowlad – Gobolledka ee Koonfur–galbeed ee Soomaaliya.

Diin aan mida islaamka ahayn laguma fidin karo Dadka iyo Deegaanka Dowlad – goboleedka Koonfur – galbeed, qawaaniinta iyo dhaqanka bulshadana waxaa saldhig u ah Diinta Islaamka.

QODOBKA 8AAD

MAGAALA MADAXDA

Magaala Madaxda Dowlad – Goboleedka Koonfur–Galbeed waa magaalada (Baydhabo, Xudur, Marka, Kismaayo, Garbahaareey, Bu’aale) midii la’isku raaco waana fadhiga dhexe ee Dowladda.

Magaala Madaxda waxaa lagu dhaqayaa xeer u gaar ah, kaas oo 12 (laba iyo toban) bilood gudahooda lagu soo saarayo, laga bilaabo dhaqan – galka Dastuurkan.

QODOBKA 9AAD

AFAFKA RASMIGA AH

Afka rasmiga ah ee Dowlad–Goboleedka Koonfur–galbeed Soomaaliya waa Af–Soomaaliga (maay & Maxaa tiri), af Carabigana waa luqada labaad sida ku cad Qodobka 5-aad ee Axdiga Qaranka KMG ah. Afaf kalena waa lagu adeegan karaa.

QUDOBKA 10AAD.

ASTAANTA, CALANKA & HEESTA

DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR–GALBEED

Calanka D.K.G ee Soomaaliya wuxuu ka koobanyahay:

Midabka Buluuga ah oo 6 xidigood dhexda ku leh.

Midabka Jaalaha ama Hurdiga

Midabka Cagaarka ama Dooga

Astaanta D.K.G wuxuu ka koobanyahay

Labo Shabeel

Labo Seef

Calanka D.K.G

Calanka Dowlada Federaalka Soomaaliyeed.

Laba waran

Heeska D.K.G wuxuu ku jiraa ka fakarid.

XUBINTA 2AAD

QODOBKA 11AAD

WADA HADAL & WAX–WADDAAG FEDERAALNIMO

Dowladda Koonfur–Galbeed waxay ka mid noqonaysaa Dowladda Soomaaliyeed oo habka Federaalka ah ku dhisan, waxayna wada hadal la geli kartaa qayb kasta oo Soomaali ah oo aaminsan raadinta iyo ka midnoqoshada Dowlada Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaalka ah.

Waxyaalaha Dowladda Koonfur–Galbeed ay la wadaagi doonto Dowladda Federaalka ah, waxaa ka mid ah: Difaaca Dalka, Arrimaha Siyaasadda Dibadda, Arrimaha Socdaalka, Istaambada Boostada iyo habka cabiraada lacag samaynta.

Wixii intaas dheeraad ka ah, waxay ku imaanayaan wada hadal dhexmara Dowladda Federaalka ah iyo Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed.

QODOBKA 12AAD

XIRIIRKA DIBADDA

Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed waxay dhowraysaa heshiisyadii ay Dowladii hore ee Soomaaliya la gashay Dowladaha shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiisyadaas aysan ka hor imaanaynin danaha iyo maslaxada Dowlada Koonfur–Galbeed.

Dowlada–goboleedka Koonfur–Galbeed waxay dhowraysaa heshiisyadii ay Dowladii hore ee Soomaaliya la gashay Shirkad shisheeye, haddii heshiiskaas/heshiisyadaas aysan ka hor imaanaynin danaha iyo maslaxada Dowlada Koonfur–Galbeed.

Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa axdiyada Qaramad Midoobey iyo Qaynuunka Dowliga ah, waxaa kale oo ay xurmaynaysaa baaqyada caalamiga ah ee Aadamiga iyo wixii aan ka hor imaanaynin Shareecada Islaamka iyo Qawaaniinta Dowlad–Goboleedka Koonfur–Galbeed.

Dowlad–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay xushmaynaysaa, Axdiga Midnimada Afrika (African Union), Jaamacada Carabta, (Arab League) Urur Goboleedka Horumarinta Geeska Afrika (IGAD) iyo Ururka Mu’tamarka Islaamka (OIC).

Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay aqoonsan tahay Mabaadi’da Aaya ka talinta Ummadaha Aduunka.

Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay taageeraysaa hindisooyinka ah in khilaafaadka aasaasiga ah ee abuurma ama horeyba u jiray lagu dhameeyo wada hadal iyo hab nabadeed.

Dowlada–Goboleedka Koonfur–Galbeed, waxay ka soo horjeedaa Argagaxiso–nimada iyo wixii la xiriira.

QODOBKA 13AAD

DHISMAHA SIYAASADEED EE

DOWLAD–GOBOLEEDKA KOONFUR–GALBEED

X I S B I Y A D A

Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed waxaa lagaga dhaqmayaa nidaanka xisbiyada.

Waxaa jiraya ugu badnaan 2 (laba) xisbi oo siyaasadeed.

Waxaa reeban Xisbiyada iyo Ururada leh dabeecad Ciidan iyo Qabiil.

Qofkii Xisbi kaga guulaysto Kursi, kana baxa Xisbiga waxa uu waayayaa Kursigii xisbiga ee uu ku guulaystey.

Nidaamka Xisbiyada waxaa lagu soo saaryaa Xeer gaar ah oo Xukuumada u soo jeediso, Golaha Wakiiladuna Ansixiyo.

Hantida Qaranka looma isticmaali karo hawl xisbiyeed.

Cidii ay ku cadaato in ay u isticmaashey hanti Qaran arrimo xisbi, waxaa la horgaynayaa Maxkamad.

QODOBKA 14AAD

SHURUUDAHA FURASHADA

XISBI SIYAASADEED

Xisbi kasta oo la furaayo waa in uu buuxiyaa shuruudaha soo socda: –

Waa in uu leeyahay barnaamij siyaasadeed oo himilo wadaniyad ah leh;

Waa in uu leeyahay Dastuur;

Waa in uu leeyahay saldhig dhaqaale oo damaanad qaadi kara jiritaanka Xisbiga oo dhan 200,000,000 (laba boqol oo milyan Sh.So ah) oo la dhigayo Bangiga Dhexde.

QODOBKA 15AAD

DHISMAHA XUKUUMADEED

EE XISBIYADA

Xisbigii ku guulaysto ugu yaraan 51%, Kuraasta guud ee Golaha Wakiilada ayaa Dowlada soo dhisaya.

Hadii xaalada ku xusan Qodobka 14 Faqradiisa 1aad dhici waydo, Dowlad wadaag ah ayaa la soo dhisayaa, ayada oo xisbiga ugu xubinta badan leh hogaaminta yeelanayo.

Haddii 2da xisbi xubnahooda isla ekaadaan xisbiyadu wada hadal ayay ku go’aansanayaan xisbigii hogaaminta yeelan lahaa, haddii ay ku heshiin waayaana waxaa go’aaminaya Maxkamadda sare.

QODOBKA 16AAD

TIRA–KOOBKA

Dadwaynaha ku nool Dowlad–goboleedka Koonfur–galbeed 10-kii (toban) sano mar ayaa la tira–koobayaa.

Waqtiga tira–koobku bilaaban doona xeer gaar ah ayaa laga soo saari doonaa.

QODOBKA 17AAD

GUDDIGA DOORASHADA

Waxa jiraya Guddi Doorasho oo Guddoonka Golaha Wakiiladu soo jeediyo, Goluhuna Ansixiyo.

Waxaa Guddiga Doorashada la magacaabayaa 2 (laba) bilood ka hor waqtiga Doorashada, wuxuuna Guddigu jirayaa 2 (laba) bilood ka dib, dhammaadka natiijada doorashada.

Guddiga wuxuu u hogaansamayaa sharciga oo keliya.

Markii la Ansaxiyo Guddiga Doorashada guud ahaan & gaar ahaan toona xilka lagama qaadi karo, waxna lagama beddeli karo.

Guddiga Warbixinta Doorashada wuxuu u soo gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Madaxweynaha iyo Maxkamada Sare.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada waxuu usoo jeedinayaa warbixinta Guddoonka Golaha Wakiilada, waana ansixinayaa Golaha.

Tirada Guddiga Doorashada kama yaraan karaan 15 (shan&toban) xubnood.

Awoodaha iyo xil – waajibaadka Guddiga waxaa lagu soo qeexayaa xeer gaar ah oo Golaha Wakiiladu soo saaro. Ansixiyana.

XUBINTA 3AAD

MABAADI’DA GUUD

ARRIMAHA BULSHADA

QODOBKA 18AAD

Q O Y S K A

Qoyska waa Aasaaska bulshada oo ka aasaasma Nin iyo Haweenay qaan gaaray oo si sharciga waafaqsan isku guursaday, wuxuuna xaq u leeyahay damaanad qaad Dastuuri ah.

QODOBKA 19AAD

XUQUUQDA HAWEENKA

Dastuurkani wuxuu xaqiijinayaa xuquuqda, xuriyadda iyo waajibaadka Haweenka ee dhaqan–dhaqaale iyo siyaaso aan Diinta Islaamku ka reebin.

Dowlada ayaa ilaalinaysa xuquuqda Haweenka ee ku xusan Qodobkan.

Haddii nolosha Hooyada Uurka lihi halis gasho, Ilmaha Caloosha ku jira waa la soo ridi karaa, markii Takhtar Takhasuskeedi lihi cadeeyo.

QODOBKA 20AAD

XAQUUQDA CARUURTA

Caruurta waxaa loola jeedaa qof kasta oo 15 (shan&tobansano) ka yar

Ilmaha wuxuu xaq u leeyahay nolol, magac, jinsiyad iyo koriimo.

Waxaa reeban shaqada caruurta wax u dhimaysa noloshooda, dhaqankooda, koriimadooda iyo waxbarashadooda.

Waxa reeban in la soo rido Ilmaha caloosha ku jira hadii aysan jirin xaalada ku xusan Qod. 18aad, Faq. 3aad

QODOBKA 21AAD

AGOOMAHA, CURYAAMADA IYO GARAAD–DHIMANKA

Naafada iyo Muwaandhin kasta oo aan is daryeeli karin, cid daryeeshana aysan jirin,  Dowlada ayay waajib ku tahay inay daryeesho.

Dowladu waa inay dhiiri – gelisaa, samaysana Hay’ado ilaaliya dadka Qodobakan ku tilmaaman.

QODOBKA 22AAD

CAAFIMAADKA

Dowlada ayaa u xilsaaran caafimaadka guud, gaar ahaan, kan Caruurta iyo Hooyada, ka–hor–taga cudura faafa iyo nadaafadarada guud.

Dowlada ayaa xil ka saran yahay horumarinta adeegyada caafimaadka.

Dowladu way ogoshahay Rugo (Xarumo) caafimaad iyo Isbitaal gaar ah, xeer gaar ah ayay xukuumadu ka soo saaraysaa.

QODOBKA 23AAD

WAXBARASHADA

Horumarinta, Baahinta iyo Faafinta cilmigu iyo waxbarashada waa waajib Ummadeed, meel – marintoodana, Dowlada ayaa u xilsaaran.

Akhris–Qoris la’aanta Afka Hooyo, waa cadowga 1aad ee Ummadda, waana waajib in lala dagaalamo, Dowladana xil dheeraad ah ayaa ka saraan.

Waxbarashada Aasaasiga ah,waxaa loo aqoonsan yahay: Dugsiyada Qur’aanka, Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sare. Ciyaaraha jirka iyo Isboortiga, waxbarashada Dadka waaweyn iyo waxbarashada gaarka ah ee Haweenka, waa waajib Dowladu leedahay in ay meel mariso, waxaana jiraya Manhaj Midaysan.

Muwaadhin kasta wuxuu xaq u leeyahay daryeel waxbarasho

Qofka qaan – gaarka ahi, waa u madax bannaan yahay Doorashadiisa waxbarasho iyo xirfadeed.

Waxaa la furan karaa Dugsiyo Waxbarasho, Dugsiyo Xirfadeed iyo Jaamacado gaar ah, waafaqsana Manhajka Dowlada.

Dowladda xil ayaa ka saraan dhisma Jaamaceed.

Xeer gaar ah ayaa nidaaminaya Waxbarashada Madaxa–bannan.

QAYBTA 4AAD

XUQUUQDA IYO XURIYADA

AASAASIGA AH EE QOFKA

QODOBKA 24AAD

SINNAANTA BULSHADA

Dhammaan dadka ku nool Dowlad – goboleedka Koonfur – galbeed, waa siman yihiin Sharciga hortiisa.

Qofna laguma takoori karo Midabka, Diinta, Dhalashada, Jinsiyada, Hantida, Fikrada uu aamisan yahay, Siyaasadda, Afka iyo Isirka.

Dastuurka wuxuu dhowrayaa, xushmaynayaa xuquuqda dadka laga tirada badan yahay.

QODOBKA 25AAD

XURIYADA CAQIIDADA

Qofka Muslimka ahi, kama noqon karo diinta islaamka.

QODOBKA 26AAD

XURIYADA FIKIRKA

Qof kasta xur buu u yahay fikradiisa iyo soo bandhigeeda.

Qofka wuxuu fikradiisa ku cabiri karaa qaab hadal, saxaafad, qoraal baahin, muuqaal, suugaan iyo hab kale oo xeerka waafaqsan xad – gudub la’aan.

QODOBKA 27AAD

XAQA DOORASHADA

Muwaadhin kasta oo buuxiya shuruudaha Doorashada looga baahan yahay wuxuu xaq u leeyahay in uu wax doorto, lana doorto.

Codayntu waa shaqsi, sinnaan, xuriyad iyo qarsoodi.

QODOBKA 28AAD

XAQA DOORASHADA ARJIGA

Muwaadhin kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu cabasho qoran u diro Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Cabasho kasta oo xeerka waafaqsan Dowladdu waa in ay ka jawaabtaa 60 (lexdan) casho gudahooda.

QODOBKA 29AAD

XAQA KAMID NOQOSHADA URURADA

Muwaadhin kasta oo buuxiya shuruudaha Doorashada, wuxuu xaq u leeyahay in ka qayb qaato hawlaha, ka mid noqosho ama aasaaso Ururo Siyaasadeed, dhaqaaleed, bulshadeed, cilmiyeed iyo dhaqmeed.

Waxaa reeban jiritaanka Ururada leh ujeedooyin lid ku ah qawaaniinta Dalka iyo danaha Ummadda.

Ururada leh shaqsiyadooda qaannuun, heshiisyada ayay xubnuhu ku galaan ururada, waxa uu waajib ku wada noqonayaa dhammaan xubnaha ururka.

QODOBKA 30AAD

XURIYADA DHAQ – DHAQAAQA

Muwaadhin kasta ama qof kasta oo si xeerka waafaqsan dalka ku jooga wuxuu u madax – bannaan yahay inuu dalka ka maro ama ka dego meel kast oo uu rabo, iyo inuu dalka ka baxo kuna soo laabto goortii uu doono.

Meelaha iyo goobaha ay reeban tahay maridooda iyo galidooda xeer gaar ah ayaa lagu soo saarayaa.

QODOBKA 31AAD

XAQA LAHAANSHAHA HANTIYEED

Muwaandhin kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu yeesho Hanti

waxaa reeban wax soo saar kasta oo aan sharciga waafaqsanayn.

Qofna lagama qaadi karo khidmad ama Hanti aan sharciga waafaqsanay

QODOBKA 32AAD

XAQA NOLOSHA IYO

NABADGELYAYNTA JIRKA

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay Noloshiisa, waxaana ku waajibi kara oo keliya tan Eebe mooyaane, markii ay Maxkamad horteeda kaga cadaato dembi dil lagu mutaysan karo.

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay nabad–galyaynta jirkiisa iyo sharaftiisa.

Waxaa reeban dembiyada laga galo xuquuqda Aadamiga ah, sida: Xasuuqa iyo dil Maxkamd la’aaneed.

QODOBKA 33AAD

XAQA MADAX–BANNAANIDA QOFKA

Qofna xuriyadiisa lagama qaadi karo, lama baari karo, lama xayiri karo haddii aan qaynuun ogolaan.

Adoonsigu iyo ka ganacsiga dadku way reeban yihiin.

Dhammaan xuriyada qofka waxaa shardi u ah inaysan ka hor–imaanin shareecda Islaamka, xeerarka anshaxa guud, xasiloonida dalka ama xuquuqda qof kale.

Dastuurka ayaa qof kasta u damaanad qaadaya xuquuqdiisa iyo xuriyadiisa.

QODOBKA 34AAD

XAQA  MAGANGELINTA SIYAASADEED & ISKU

CELINTA EEDAYSANAYAASHA/DEMBIILAYAASHA

Qofka shisheeyaha ah ee dalka ku soo galay ama ku jooga si xeerarka waafaqsan ee waydiista magangelin siyaasadeed waa la siin karaa, haddii laga helo shuruudaha u dhigan magangelyada, iyada oo la tixgelinayo heshiisyada caalamiga ah.

Ma bannaana in muwaadin ka tirsan Dowlada – Koonfurta – galbeed loo dhiibo Dowlad kale.

Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed, waxay dib u celin kartaa dembiile ama eedaysane shisheeye ah, oo dalkiisa ka soo cararey, haddii uu jiro heshiis dad isu – celineed oo dhex mara Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed iyo Dalkaasi.

QODOBKA 35AAD

XAQA HOYGA

Hoyga iyo meelaha kale ee la degan yahay, waxay leeyihiin xurmayntooda. Ma bannaan baarida, basaasidda iyo galida hoyga haddii aan amar garsoore oo sababaysan jirin ama sharcigu si kale u sheegin.

Waxaa waajib ah in si toos ah looga akhriyo amarka garsooraha milkiilaha ama deganaha hoyga inta aan la gelin.

QODOBKA 36AAD

SAXAAFADDA

Saxaafada iyo warbaahinta waa madax – bannaan yihiin, lamana fara gelin karo.

Xeer gaar ah, ayaa sii faah–faahinaya nidaamkooda.

QODOBKA 37AAD

XAQA XURIYADA ISGAARSIINTA

Qofna lama fara gelin karo waraaqihiisa Boostada, xiriirkiisa isgaarsiineed iyo Saxaafadeed iyo Qoraaladiisa gaarka ah, marka laga reebo xaaladaha xeerka bannaynayo baaritaankoodi, dabagalkooda ama dhagaysigoodi, iyadoo ay markaasna waajib tahay in la helo amar Garsoore oo sababaysan.

QODOBKA 38AAD.

XURIYADA KULAMADA IYO

BANNAAN–BAXYADA

Qof kasta wuxuu xur u yahay inuu sameeyo kulamo iyo bannaan–baxyo ku salaysan hab nabadgelyo, waase inuu sii wargeliyaa Hay’adaha ay khusayso.

Kulamada iyo bannaan–baxyada waxaa lagu joojin karaa sababo lid ku ah Diinta Islaamka, Caafimaadka guud, Amniga, Anshaxa, Nidaamka guud iyo Xasiloonida.

QODOBKA 39AAD

WAAJIBKA MUWAADHINIINTA

Muwaadhin kasta waxaa waajib ku ah adkanyta Nidaamka Ummadda iyo Ilaalinta jiritaanka Qaranimada Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed.

Muwaadhin kasta waxaa waajib ku ah dhowridda Diinta islaamka, Dastuurka, Xeerarka Dalka iyo bixinta canshuuraha ku waajibey.

Muwaadhin kasta waxaa waajib ku ah ka qaybgalka difaaca Dowlada–goboleedka Koonfur–galbeed markii loogu yeero ama ay la gudboonaato.

Xeer ayaa qeexaya ciqaabta ka dhalan karta gudasha la’aanta waajibaadka ku xusan Faqrada 1aad, 2aad iyo 3aad ee Qodobkan.

XUBINTA 5AAD

XUQUUQDA ASAASIGA AH

QODOBKA 40AAD

DACWAD – DACWAD FURASHO,

CIQAAB & DEMBI

Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu dacwad qaanuunka waafaqsan  ka furto Maxkamadaha awooda u leh.

Qofna looma qaban/xiri karo fal markii uu galaayay aan dembi ku ahayn qaanuunka.

Ciqaab aan Maxkamad ka soo bixin cidna laguma fulin karo.

Dembi iyo ciqaab aan sharciga waafaqsanayn ma jiri karo, mas’uuliyada faldembiyeedkuna waa shaqsi.

QODOBKA 41AAD

XUQUUQDA EEDAYSANAYAASHA

Eedaysanaha waxaa loo aqoonsan yahay Dembi laawe ilaa si qaanuunka waafaqsan Maxkamad si kama dambays ah ugu xukunto gelida dembiga.

Eedaysanaha laguma hayn karo meel aan qaanuunka banaynin, waana in 48 Saac gudaheeda la horgeeyaa Garsoore.

Eedaysanaha waa in Maxkamad awoodi u leh si tafaftiran ugu akhriso dembiga lagu soo oogay.

Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan Eheladiisa, Qareenkiisa, Takhtarkiisa iyo Asxaabtiisa, wuxuu kaloo xaq u leeyahay in la damiinto, haddii sharcigu ogolyahay.

Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu Qareen difaaca qabsado, haddii uusan awoodi karin, Dowladu waa in ay u qabato dadka garaad dhimanka ahna waa la mid.

Eedaysanuhu laguma qasbi qaro qirashada dembiga loo haysto.

Eedaysanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu isku difaaco Maxkamadda horteed.

QODOBKA 42AAD

XUQUUQDA QOFKA XUKUMAN

Qofka ay Maxkamad xukuntay oo xiran wuxuu xaq u leeyahay in la dhowro ilaalintiisa, nabadgelyadiisa iyo sharaftiisa Aadanenimo.

Xukumanuhu wuxuu xaq u leeyahay in ay soo booqdaan Eheladiisa, Qareenkiisa, Takhtarkiisa iyo Asxaabtiisa.

Xukumanaha Xabsiga ku jira wuxuu xaq u leeyahay daryeel caafimaad, cuno iyo waxbarasho.

Xukumanaha Xabsiga ku jira wuxuu xaq u leeyahay xuquuqda Caalamiga ah ee Maxaabiista.

Xukumanuhu wuxuu xaq u leeyahay inuu rafcaan ka qaato xukunka Maxkamadu ku riday, isaga oo rafcaanku ku caddaynaya Maxkamadii xukuntay mid ka saraysa.

QAYBTA 3-AAD

QODOBKA 43AAD

GOLAHA ODAYAASHA

Dowlada koonfur galbeed Soomaaliya, waxeey yeelanaysaa 2 (labo) gole oo kala ah:

Golaha Odayaasha oo ka kooban 73 ( Todabaatan iyo sedax) xubnood.

Golaha wakiilada oo ka kooban 135 (boqol, sodon iyo shan xubnood) xubnood.

TILMAAMAHA GUUD EE GOLAHA ODAYAASHA

Golaha odayaasha dolwlad goboleedka koonfur galbeed, waa qaybta 2-aad ee xeer dejinta, waxeyna dib u eegayaan xeerarka kasoo baxa golaha wakiilda intaan loo gudbinin madaxweynaha dowlada koonfur galbeed wuxuuna gaar u yeelanayaa xeerarka ku saabsan Diinta, Dhaqanka iyo nabadgelyada.

QODOBKA 44AAD

DOORASHADA XUBNAHA GOLAHA ODAYAASHA & MUDADA XILKOODA

Xubnaha Golaha Odayaasha waxaa lagu dooranayaa doorasho, habka doorashada waxaana nidaaminaya xeer gaar ah.

Mudada xilka Golaha Odayaasha waa 5 (shan) sano oo ka bilaabaneeysa maalinta fadhiga 1aad uu qabsamo.

QODOBKA 45AAD

SHURUUDAHA QOFKA LOO SOO DOORANYO

XUBINIMADA GOLAHA ODAYAASHA

Qofka loo dooranayo xubinnimida Golaha Odayaasha waa inuu lahaadaa shuruudaha qofka isku soo taagaya xubinimada Golaha Wakiilada, marka laga reebo da’da iyo heerka aqoonta oo noqonaaya sida soo socota

Inaan da’diisa ka ayraan 40 (afartan) sano.

Inuu yahay qof diinta aqoon fiican u leh ama ah oday dhaqan run ah.

QODOBKA 46AAD

TIRADA XUBNAHA GOLAHA ODAYAASHA

Tirada xubnaha Odayaasha waa 73 (Todobaatan iyo sedax) xubnood oo laga soo xulaayo 6-da gobol, midkiiba 12 xubnood, halka dheeraadka ah waxaa la siin doonaa magaalo madaxda D.K.G. Waxeeyna iska dhex dooranyaan, Gudoomiye, labo guddoomiye ku xigeen iyo gudi hoosaadyo, inta ay u baahanyihiin.

Goluhu wuxuu yeelanaayaa gudi joogto ah .

QODOBKA 47AAD

AWOODA IYO WAAJIBAADKA

GOLAHA ODAYAASHA

Dejinta xeerarka ku saabsan Diinta, Dhaqanka iyo nabad-gelyada.

Dib-u-eegida xeerarka golaha shacabka ansaxiyo oo ka baxsan xeerarka maaliyada, waxeeyna ku celin karaa golaha shacbiga 1 (hal) mar, mudo 20 (labaatan) casho gudahood ah, taas oo ka bilaabaneeysa maalinta loo soo gudbiyo xafiiska shir gudoonka golaha odayaasha, asaga oo sababaynaya aragtidiisa, qoraal ahaana ku gudbinaya.

Ka tala bixinta dhaliilaha maamulka ee xukuumada, isagoo ogeeysiinaya golaha shacabiga.

Wuxuu gacan ka siinayaa Xukuumada arrimaha la xiriira Diinta, Nabadgelyada, Difaaca, Dhaqanka, Dhaqaalaha iyo Bulshada, ayaga oo la kaashanaya Madax-dhaqameedyada Beelaha.

Waajibaadka Golha Odayaasha waxaa kamid ah in ay ilaaliyaan danaha gobolada (the interest of regions) sidaas darteeda ayaa xubnaha isla eg looga dhigay golaha odayaasha ( Fiiri Qodobka 42/1)

Golaha odayaasha waxeey leeyihiin.

Dastuur

Idale News Online, Baydhaba

You might also like More from author

Comments are closed.