Dastuurka Cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo La Ansixiyay & Damaashaadyo Wali jil-jilayo Baydhaba Janaay.

58

Ayadoo maalmahanba ay Ergoyinka shirweynaha dhismaha dowlad goboleedka koonfur-galbeed ee kasocda Magaalada Baydhabo ay kadoodayeen Dastuurka Cusub uu yeelanayo Dowlad goboleedkaasi ayaa ugu danbeyntii maanta waxay ansixiyeen Dastuurkaasi.

Tirada ergooyinka ayaa ahayd 787,(Todobo boqol sidedan iyo todobo)Waxaa ogolaatay 781,(Todobo boqol sidedan iyo kow)halka 3-sadex ay diideen 3-sadexna ay ka aamustay. sidaana ay gudiga shirweynaha ay sheegeen inuu ansax yahay Dastuurka Cusub ee Dowlad Goboleedka K/galbeed.

Waxaana markii lagu dhawaaqay inuu ansax yahay Dastuurka kadib ciyaaro lagu taageeraayo ansixintaasi, meel aan sidaasi uga fogeyn goobta shirka kusoobandhigeen bulshada magaalada Baydhabo oo iyagu muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin natiijada maanta kasoobaxday shirweynaha.
SHIRKA  BADYHABA

Idale News Online, Baydhaba.

You might also like More from author

Comments are closed.