Ciidamada Shabaab iyo kuwa Puntland oo dagaal culus kudhexmaray Buuraha Gal-gala.

114

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya deeganada Buuraha Gal-gala ee Gobalka Bari ciidamada Maamulka Puntland iyo dagaalamayaasha Shabaab ee ku sugan Buuraha Gal-gala ayaa halkaasi ku dagaalamay.

Dagaalka ayaa wuxuu ka dambeeyay, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen Saldhigyo ciidanka Shabaab ay ku leeyihiin Buuraha Gal-gala ee Gobalka Bari.

Saraakiil ka tirsan saraakiisha ciidanka Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa usheegay warbaahinta in saaka ay qaadeen weerar qorsheysan oo ujeedkiisa uu yahay sidii guud ahaan Shabaab looga saari lahaa deeganada Buuraha Gal-gala.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weeraradaasi ka dhacay Buuraha Gal-gala ayaa saraakiisha waxa ay sheegeen inay goordhaw faah-faahin ka bixin doonaan dagaalada ka dhacay Gal-gala iyo Khasaaraha ka dhashay.

Dhanka Al-Shabaab majirto wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay Buuraha Gal-gala ee Gobalka Bairi.

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku sugan Buuraha Gal-gala halkaasi oo ku yaala fariisinka ugu weyn ee Shabaab ay ku leeyihiin Gobalka Bari.
galgala

Idale News Online, Bari,

You might also like More from author

Comments are closed.