Barlamaanka oo Maanta ka Doodey Nidaamka Doorashada Madaxweynaha

77

Fadhi ay Barlamaanka Soomaaliya maanta ku yeesheen Xarunta Gollaha Shacabka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya ayaa lasoo gabagabeeyay waxaana agenda shirku ahaa  ka mid ahaa waxyaabaha laga doonayo musharaxa xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Shirka baarlamanka maanta ayaa waxaa soo xaadiray 207 mudane, furitaankii kadib ayaa waxaa hadal ka jeediyay guddoomiyaha gudiga doorashada baarlamanka Marwo Maryan Cariif Khaasim iyadoona gudiga soo hordhigtay khodobadii shalay ay soo saareen guddiga doorashada taas oo aheyd waxyaabaha looga baahanyahay musharaxa isku soo taagayo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Mudaneyaasha ayaa ka doodeen in musharax waliba oo u taagan xilka Madaxweynaha uu haysto ilaa 20 Cod iyo in mudane waliba uu codeynkaro ilaa sadax musharax oo u tarmameyso xilka madaxtimimada.

Guddoomiyaha baarlamanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo ka hadlay kulanka ayaa ugu baaqay wasiirka wasaaradda dastuurka iyo dib u heshiisiinta in uu sida ugu dhaqsiyahay badan uu u horkeeno mudaneyaasha baarlamanka dastuurka dalka loo sameeyay.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa waxa uu ugu baaqay in lasoo dhameystiro xildhibaanada dhiman oo uu khilaafka ka jiro si ay uga qeyb noqdaan mudayaasha baarlamanka.

Shirka maanta ay yeesheen baarlamanka Soomaaliya ayaa ah kii ugu horeeyay oo ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyaad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

 

You might also like More from author

Comments are closed.