Dagaal xoogan oo lagu qaaday Garoonka Kismaayo, xilli Masuuliyiin Cadaan ah ay caawa ku hooyanayaan.

44

 

Breaking_News333Dagaal hubka waaweyn leesku adeegsaday, ayaa waxaa caawa lagu qaaday Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka caawa lagu qaaday Garoonka Kismaayo, ayaa waxaa lagu soo beegay xilli ay caawa ku hooyanayaan Masuuliyiin kala duwan, oo maanta Magaalada Kismaayo kaga qayb galay caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Xoogaga weerarka soo qaaday oo watay gaadiidka dagaalka oo tiro badan, ayaa waxay madaafiic xoogan ay caawa ku qal qaliyeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo.

Shacabka ku dhaqan meelaha ka baxsan Garoonka iyo Bartamaha Magaalada Kismaayo, ayaa waxay caawa maqlayeen hubkii ay isku adeegsanayeen Xoogagii weerarka soo qaaday iyo Ciidamada Kenya, oo ay ka dhinac dagaalamayeen Ciidamada Maamulka Jubba.

Weerarka caawa lagu qaaday Garoonka Kismaayo, ayaa waxaa la dhihi karaa waxa uu in badan ka duwanaa, weeraradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Garoonka Kismaayo oo Magaalada Kismaayo u jira 14km.

Inkastoo weerarkaan uu dhacay xilli habeen ah, ayaa waxaa adag in xog laga helo inta uu le’eg yahay khasaaro guud ee ka dhashay weerarka xoogan ee lagu qaaday Garoonka Kismaayo.

dagaalkaMarko

Idale News Online, Kismayo

You might also like More from author

Comments are closed.