Daawo: Gudoomiye Ku xigeenka 1aad ee Barlamaanka Soomaaliya oo ka qeyb galey caleemo saarka Madaxweynaha Maamulka Jubba

102

xafkadjubaland2

Wafuud tiro badan oo ka kala socotey beesha caalamka, dowlada federaalka iyo maamulka Puntland ayaa magaalo madaxda gobolka Jubbada Hoose ee Kismaayo uga qeyb galey munaasabad lagu caleemo saaraayey madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Max’ed Islaaam “Axmed Madoobe” iyadoo wafuudani isugu oo isugu jiray Soomaali iyo Ajnabi lagu casuumay xafladan oo in mudda ah ay ka soo shaqeynaayeen maamulka gobolkaas ka arriminaya.

Wafuuda gaaray Kismaayo ayaa waxaa ka mid ah Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Kay, Wakiilka Midowga Afrika u jooga Soomaaliya, Madaxweyne kuxigeenka Puntland C/xakiin Camey, wafuud ka kala socotay Kenya iyo Itoobiya.

Sidoo kale wafuuda Kismaayo gaarey waxaa ka mid ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi oo si weyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo, iyadoo Geeddi ka mid ahaa siyaasiyiinta aadka u taageersanaa Maamulka Juba.

Dadka reer Kismaayo ayaa lagu wargeliyay in aysan guryahooda ka soo bixin, taasna ay qeyb ka tahay ammaanka wafdiga ku sugan magaalada ee ka qeyb galaya caleema saarka Hogaamiye Axmed Madoobe

xafkadjubaland1

xafladJubbaAdmin


Idale News Online, Kismaayo

You might also like More from author

Comments are closed.