Ahlu Sunada soo Hartay oo culeys saareysa Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud (Akhriso)

70

Culima’udiinka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay xilligaan culeys saarayaan Dowladda Federalka ee Soomaaliya, xilli Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed, ay cilaaqaadkii u jartay Dowladda.

Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya, ayaa waxaa ka jira laba Urur oo ku nasab sheegta Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca, kuwaa oo la dagaalan xoogan kula jira Ururka Al Shabaab.

Dowladda oo bishii maarso heshiis la gashay labada Ahlu Sunna, ayaa waxaa Dowladda lagu eedeeyay in ay ku faashilmatay dhaqangelinta heshiisyadii, ay la gashay Ahlu Sunna.

Arrintaasi, ayaa waxay sababtay in Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed ay jarto xiriirkii ay la laheyd Dowladda, halka Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ay ku dhow dahay in ay wadadaasi qaado.

Magaalada Dhuusa Mareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa waxaa maanta kulan ku yeeshay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Galgaduud ee Dowladda Xuseen Cali Wehliye (Cirfo) iyo Gudoomiye Ku Xigeenka Guddiga Golaha Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe Sheekh Axmed C/laahi (Ilka-case).

Kulanka kadib ayay labaduba shir jaraa’id ku wada qabteen Magaalada Dhuusa Mareeb, waxayna Dowladda ugu baaqeen in ay si deg deg ah kaga jawaabto waxyaabaha ay ka cabaneyso Ahlu Sunada Gobolada Dhexe.

Sheekh Axmed C/laahi (Ilka-case), wuxuu sheegay in ay ka war suggayaan jawaabta Dowladda, ha yeeshee haddii ay ka waayaan isbedel muuqdo, ayaa waxa uu ku goodiyay in go’aan kama dambeys ah, ay ka qaadan doonaan.

Ahlu-Sunna

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.