Kooxo hubeysan oo xaafada SOS ee Degmada Heliwaa ku dilay ganacsade caan ka ahaa degmadaas

43

Kooxo Hubeysa ayaa xalay Xaafada SOS ee degmada Huriwaa ku dilay nin Ganacsade ahaa oo dukaan ku lahaa halkaas, iyagoo ka baxsaday kooxihii wax dilay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee dilka geystay ay ku sugayeen banaanka goobtiisa ganacsi ka hor inta uusan albaabada u soo xirin abaarihii maqribkii.

Lama oga sababaha loo dilay ninkan ganacsatada ahaa, hase ahaatee dilkan ayaa waxaa uu qeyb ka yahay dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho ee loo geysto dadka rayidka ah.

Ciidamada dowladda oo goobta soo gaaray markii uu dilka dhacay ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan kooxihii dilka geystay.

Degmada Huriwaa ayaa lagu tilmaamaa degmooyinka ugu amaan darada badan, marka loo eego dilalka iyo iska hor imaadyada xilliyada habeenkii degmadaas ku dhex mara ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab

dilqorsheysan

Idale News Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.