GEDO:Deegaano ka tirsan Gobalka Gedo oo ka dilaacay Daacuun Caloolaha.

81

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Kiriley ee Gobalka Gedo ayaa sheegaya in Halkaasi uu ka dilaacey Cudurka Shuban Biyoodka.

Aar Maxamuud Maxamed oo ah Gudoomiyaha Deegaanka Kiriley ee Gobalka Gedo oo la hadlay Warabaahinta Gudaha ayaa sheegay in Cudurka Shuban Biyoodka uu ku dhacay 34 Caruur halka Hal Canug na uu ku dilay Baadiyaha Deegaankaasi.

Gudoomiyaha ayaa intaas ku daray in Deegaankaasi ay ka jirto Xaalad Nolol xumo oo ugu weyn Caafimaad dari iyadoona Dadka Deegaanka aysan heesan MCH yo ku filan, halkaasine aysan ka shaqeyn Hay’adaha Sama Falka ee Ururada Dowliga iyo NGO yada .

Isku soo wada duuboo Cudurka Shuban Biyood ka ayaa ah Mid soo laablaabtay iyadoona Sanadkii mar uu ka dilaaco Gobalada Soomaaliya.

Dhibanayaal.

Idale News Online,Gedo

You might also like More from author

Comments are closed.