Feeryahanka Soomaaliyeed ee Ismaaciil Tooxow oo laga adkaaday Kulankiisii Kowaad .

69

Feeryahan Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ismael Tooxow ayaa guuldaro kala kulmay tartan feerka Danish Championship ee miisaanka 93 kg,ee nooca MMA Fightgym ah oo ka dhacay magaalada Odense ee dalka Denmark.

Ismaaciil Tooxow ayaa la tartamay feeryahan kale balse daqiiqadii u horeysay guuldaro la kulmay markii dhulka dhinaca loo dhigay ee lala helay dhowr feer.

Inkastoo Ismaaciil uu muujiyay dadaal hadana waa guul dareystay, waxaase u harsan kulan kale, kaasoo uu ballan qaaday inuu guul ka gaari doono si uu u qanciyo taageerayaashiisa.

Tartankan ayaa qeyb ka ah Danish Championship, waxaana ku tartamaya dhowr feeryahan.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Ismaaciil uu tartan noocaan uu ka qeybgalo, iyadoo sanadkii hore uu guul ka gaaray tartankan midkii ka horeeyay, walow aakhirkii la reebay.

ismael-tooxow

Idale News Online, Wararka Ciyaaraha.

You might also like More from author

Comments are closed.