Kulankii soomaaliya iyo somaliland oo maanta dib u furmey.

65

Waxaa goor dhow ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga wahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kaasoo socon doona labada maalmood ee soo socota sida uu sheegay sii hayaha xilka wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed oo hoggaaminaya wafdiga dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo la hadlayay warbaahinta isagoo ku sugan magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa sheegay inay u saareen guddi labada dhinac ka kooban diyaarinta ajandayaasha ay shirkoodan uga hadlayaan.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in guddi ay u saareen soo diyaarinta wixii ay kawada hadli lahaayeen, kuwaasoo uu sheegay inay siiyeen muddo dhowr saacadood ah, markaas kaddibna fadhiga lagu laaban doono.

Guuleed ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in wadahadalladan ay kasoo bixi doonaan ajandayaal la isku waafaqsan yahay, isagoo ku adkeysanaya inay filayaa inay shirkan kasoo bixi karaan natiijooyin wanaagsan.

Ma jirto cid u hadashay dhinaca Somaliland, iyadoo wafdiga u qaybgalaya uu shirkan uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, Maxamed Biixi Yoonis oo ay noqonayso markii uu horreysay oo uu shirkan ka qaybgalo.

Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ayaa waxay saddex jeer oo hore ay ku yesheeen kulammo dalalka Britain iyo Turkiga, kuwaasoo qodobbada looga hadlay ay ka mid yihiin sidii ay labada dhinac isugu soo dhawaan lahaayeen inkastoo aan horumar muuqda laga gaarin.

somaliVsSomalilandTurkey

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.