Goordhow oo lagu dhawaaqi doono golaha wasiirada..

82

Warar Goordhaw aan ka helnay Xubno kusugan Madaxtooyada Soomaaliya iyo Xildhibaano katirsan Baarlamaanka ayaa sheegaya in Saacado yar kadib la filayo in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada.

Xarunta Madaxtooyada ayaa hada laga dareemayaa Saan saan iyo diyaar garow ku aadan ku dhawaaqista Golaha Wasiirada Cusub waxaana hada xaruntaasi lasoo sheegayaa in ay kusugan yihiin inta badan Xubnaha la filayo in loo Magacaabo Wasiiro.

Waxaan wali la hubin tirada Rasmiga ah ay noqonayaan Golaha Wasiirada oo Saacadihii lasoo dhaafay Marar kala duwan isbadal lagu sameeyay , waxaana la hadal hayaa in ay noqonayaan ilaa 25-Wasiir ama ugu yaraan 20-Wasiir.

Ma jiro war si rasmi ah uga soo baxaya Madxatooyada oo cadeenaya in Galabta ugu dambeyn lagu dhawaaqayo Golaha Wasiirada marka laga reebo Xubnaha kusugan Madaxtooyada iyo Xildhibaanada aan warkan kasoo xiganay.

breakingIdaleNews

 

Idale News Online,

You might also like More from author

Comments are closed.