GUDOOMIYAHA BAARLAMAANKA OO KA TACSIYADEEYEY GEERIDA GARYAQAANKA GUUD EE DOWLADDII KACAANKA “WAR-SAXAAFADEED”

73

Muqdisho:Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Garyaqaanka Guud ee Dowladdii Kacaanka Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar oo ku geeriyooday Boqortooyada Saudi Arabia.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, hor iyo horaan anigoo ku hadlaya magaceyga,magaca Gudoonka iyo magaca Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha u naxariistee Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar oo ahaa Garyaqaankii Guud ee Dowladdii Meleteriga aheyd oo ku geeriyooday dalka Sacuudiga, waxaan Alle uga baryeynaa inuu siiyo naxariistiisa Jano”

Ugu dambeytii Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa tacsi gaar ah u diray carruurta,ehellada iyo qoyskii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar waxaana uu Alle uga baryey inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Jawaarey.

Idale News Online,Muqdisho

You might also like More from author

Comments are closed.