Golaha Wasiirada R/Wasaare Abdiwali Sheikh oo beri la qorsheyeeyey in lagu dhawaaqo iyo qaar wasiiradii hore iyo xubno barlamaanka ka tirsan ay ka dhex muuqdaan

74

Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/weli Sheikh Axmed Maxamed ayaa Saacadaha soo socda lafilayaa innuu ku dhawaaqo Wasiiradda Xukumadiisa.

Wasiiradda Cusub ayaa la Sheegay innay dhamaantood ka imaanaya dhinaca Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud oo Ra’iisul-wasaaruhu uusan aqoon u lahayn.

Goob joogayaal ku dhoow Madaxtooyadda Villa Somalia ayaa Sheegay in Wasiiraddii hore ay uga jiraan Cabdikariim Xasan iyo Faarax Cabdiqaadir,waxaana loo kala Magacaabayaa Xilalkaan.

1-Cabdikariim Xasan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka
2-Faarax Cabdiqaadir Caddaalada, Dastuurka iyo Arimaha Diinta.

Wasiiradda Cusub waxaa ka mid ah Khadiija Maxamed Diiriye,waxaana Booska looga qaadayaa ama lagu badalayaa,Wasiiradda Bulshadu wax qabadka ku taqaanay ee Dr Maryama Qaasim.

raiisulWasaareAbdiwali

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.