Gudoomiyaha Degmada Yaashiid oo ka badbaadey Qarax Bambo oo lagu tuuray Gaari uu saarnaa.

37

Wararka naga soo gaaraya Xaafada Suuq bacaad ee Degmada Yaashiiq ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Muxudiin Jurus uu ka badbaadey Qarax bambo oo lagu tuuray gaari uu saarnaa.

Goob jooge ku sugan Suuq Miijis ee Xaafada Suuq bacaad oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa Sheegay in Bambada lagu tuuray Daaqada Gaarida uu saarnaa Gudoomiya balse aysan ku dhicin gudaha Gaariga.

Goob joogaha ayaa hadalkiisa ku daray Bambada oo ku qaraxdey Dhulka ay sababtay Dhaawaca 2 Ruux oo rayidka ah halka Gaariga Guudoomiya ee lagu tuuray Qaraxa uusan waxba gaaran.

Ilaa iminka ma cada cida ka dambeysay falkani iyadoona aan la xiriirnay Gudoomiye Muxudiin ayaa ka gaabsadey inuu ka warbixiyo waxa Qaraxa ka soo qaarey maanta uuna hadalkiisa ku soo koobay inuu nabad qabo oo wax dhib ah ka soo gaarin qaraxa.

Ma ‘ahan markii ugu horeysay Qarax lagu weeraro Gudoomiyaha Degmada Yaashiid afartii bishaab ayee ahayd markii qarax ceynkani oo kala Gudoomiyaha lagula eegtay gaarigiisa xili uu maraayay Xaafada Carafaad ee degmada Yaashiid

qarax

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.