Ciidamada Madaniga degmada Afgooye oo dilay tiro ka mid ah mooryaan Isbaaro u taalay deegaanka Cumar Beere.

58

Baydhaba:Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in Maanta Barqadii uu Dagaal ka dhacay Deegaanka Cumar Beere ee dhacda Duleedka Degmada Afgooye ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dagaalka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa soo qaadey Ciidamada Madaniga oo ka dhisan Degmada Afgooye kuwaas diidanaa Isbaarada ay Ciidamada Dowlada dhigteen Deegaanka Cumar Beere ee Degmada Afgooye.

Mid ka mid ah Dadka deegaan ka oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa cadeeyay in Ciidamada Madaniga ee soo qaadey Dagaalka ay Qaateen Hub iskugu jira kuwa Fud fudud iyo kuwa Culus iyo Gaadiid Mooto ah oo ay ka carareen Mooryaanta aan udhalan Deegaanka oo Isbaarada utiil halkaasi.

Goob joohaya ayaa intaas ku daray in indhihiisu qabteen 10 dhaawac oo ka tirsan Mooryaanta ku lebisan Dareeska Dowlada ee joogay Isbaarada , iyadoona Dagaalka uu ahaa mid Gaadmo ah oo aan ka war qabin Mooryaantii ku wax yeeloowdey.

Ciidamada Soo qaadey Weerarka ayaa Bil ka hor dadka deegaanka ay usharciyeeyeen iney noqdaan Ciidamo Madani oo u dhigma Police kadib markey Hub iyo Dareeska Dowlada ka waayeen Waziirka Gaashaandhiga oo aan ogeyn Jagadiisa islamarkaana ka amar qaata Waziirka A.Gudaha oo Beeshiisa Militiri ahaan ku joogta degmada Leejana dhigata Wadooyinka Soo gala Degmada Afgooye.

Ma ahan markii ugu horeysa oo ay wada dagaalamaan Ciidamada Madaniga ee Degmada Afgooye iyo Mooryaanta ku lebisan Dareeska Dowlada oo Boob iyo dhibaato ka wada Degmadaasi.

Afgooye-

Idale News OnLin,AF-gooye.

Source: Somali Gazette

You might also like More from author

Comments are closed.