Ra’iisul-wasaarihii Hore Ee soomaaliya Dr. saacid oo soo dhaweeyey Doorashada Puntland.

39

Muqdisho:- Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa ugu hambalyeey doorashadii xorta ahayd shacbiga iyo gollaha wakiilada Puntland. Waxaana uu soo dhaweeyay madaxweynaha cusub Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Puntland mudo shan sano ah.

Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa ku tilmaamay doorashadaas in ay ahayd mid xor ah, oo u dhacday si dimuquraadiyad ah, isagoona ku bogaadiyey shacabka Puntland bisaylkooda siyaasadeed.

“Puntland waxay hormuud ka tahay nidaamka Federaalka dalka Soomaaliya, waxayna maanta muujisay bisayl siyaasadeed oo ku dayasho mudan. ayuu yiri Saacid.

Saacid ayaa sidoo kale aad ugu amaanay go’aanka geesinimada iyo masuuliyada leh ee madaxweyne Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Maxamuud Faroole uu xilka ku wareejiyay kuna aqbalay natiijadii doorashada ee looga guulaystay.

saacidRidistiisa

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.