Gudoomiyihii hore ee Deegaanka Lafoole oo caawa lagu dilay Magaalada Muqdisho.

59

LaFoole:Wararka laga helaayo Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan in caawa lagu dilay Gudoomiyihii hore ee Deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose C/laahi Jaamac Siyaad (Jabey).

Waxaa la rumeysan yahay in marxuumka lagu dilay qarax loogu soo xiray gaari nooca raaxada ah oo uu la socday, wuxuuna kula qarxay xilli uu maraayay Isgoyska Tarabuunka ee Degmada Hodan.

Qaraxa kadib, ayaa waxaa halkaasi laga maqlay rasaas xoogan oo ay furayn Ciidanka Dowladda, ee ku kala sugan Isbitaalka Digfeer, Dugsigii Sare ee Banaadir iyo halka loo yaqaano Taallada Salaan Saarka ee Tarabuunka, oo xilliyada habeenkii ay ka hawlgalaan Ciidan Boolis ah.

Ciidanka Dowladda oo isku gadaamay goobta u qaraxu ka dhacay, ayaa waxay ka soo saareen meydka Gudoomiyihii hore ee Lafoole, waxaana loo qaaday Isbitaalka Madiina.

C/laahi Jaamac Siyaad, ayaa waxaa gaariga la saarneyd laba ruux, oo mid kamid ah lagu sheegay in uu yahay Sarkaal ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida ee Dowladda. Waxayna labaduba ku dhaawacmayn qaraxaasi.

Ninka caawa lagu dilay Bartamaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay bishii October ee sanadkii 2013-ka, oo lagu bedelay Gudoomiye Ibraahim Maxamed Guuleed.jabeey-

Idale News Online

You might also like More from author

Comments are closed.