Shirka Hormuud oo Gaarsiisey Qalab muhiim ah Cusbitaalka Degmada Baydhabo Janaay.

49
Baydhabo:shirka Hormuud oo ah shirkada isgaarsiineed ee ugu balaaran gayga soomaaliya,ayaa maanta waxay ay gaarsiisey cusbitaalka degmada baydhaba janaay agabyo waxter weyn u leh cusbitaalka.

Madaxa Laanta Baydhabo Ee Shirkada Isgaarsiinta Hormuud Sheekh Aadan Xuseen Cabdiraxmaan  ayaa wuxuu Cusbitaalka Baydhabo gaarsiiyey qalab Cusbitaaleed iyo Matoor Aad uweyn .

Sheekh Aadan Huseen Hormuudka Shirkada Isgaarsiinta Hormuud ee Laanta Baydhabo ayaa maanta si lama filaan ah oo ay dad badan kaga yaabiyey Cusbitaalka Baydhabo qalab aad muhiim u ah ugaarsiiyey kaasoo ay taaley Baahidiisa.

Qalabka ayaa waxaa kamid ah kuwooda ugu muhiimsan Matoor & Raajada Dadka Lasaaro iyo qalab kaloo yer yerow ah oo looga baahnaa Cusbitaalka  weyn oo aad u dan dareysan waayeyna Ehel & Qaraabo.
Qalabkaan oo la gudoonsiiyey madaxa Logistica-da Isbitaalka & Maamulka kale ee Isbitaalka oow ada jir ahaa ayaa waxaa madasha gudoonsiinta aheyd ka qayb galay Gudoomiyaha Ganacsatada Koonfur Galbeed Maxamed Macalin” Mad Heewiye” , Cali Marguus oo isna ah Xoghayaha Jumper-kaasi Ganacsatada iyo madax kale.
arintani ayaa imaaneysaa,xilli dhawaanahan, ay wadey shirkada isgaarsiinta  Soomaaliyeed ee Hormuud tabarucaad, ay u sameyneyso bulshada soomaaliyeed kuwooda dan yarta ah , waxa sidoo kale shirka hormuud agabyo gaarsiisey dhoor bilood ka hor cusbitaaalka degmada kismaayo ee xarunta Gobolka J/hoose.
Hormuud
Idale News Online, Baydhaba.

You might also like More from author

Comments are closed.