DEG DEG: Codeynta Doorashada madaxtinimada Puntland oo bilaabatay.

30
Xarunta Baarlamaanka Maamulka Puntland waxaa hada ka bilaabatay codeynta Madaxtinimada Maamulka Puntland oo ay ubaratamayaan musharaxiin gaareysa ilaa 11-Musharax.

Hoolka Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa waxaa uu yahay mid buuxa, waxaana madasha ku sugan korjoogto sheeda ka daawaneysa sida doorashada ay usocoto.

Waxaa codeynaya 66-Xildhibaan oo Baarlamaanka Puntland ka tirsan, waxaana ay ucodeynayaa 11-Musharax midkood.

1: Cali Xaaji Warsame
2: Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas
3: Cali Cabdiqaadir Yuusuf
4: Cabdiwali Maxamuud Guray
5 Shire Xaaji Faarax
6: Maxamuud Cabdiraxmaan Cuuke
7: Gen.Cabdilaahi Siciid Samater
8: Maxamed Cabdinuur Xirsi
9: Cabdidaahir Maxamed Yuusuf Yeey.
10: Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole
11: Cali Cabdi Awaare

11-Musharax ayaa la sugayaa qofka kusoo bixi doona codeynta, iyadoo wareega koowaad iyo labaad lagu kala hari doono inta badan musharaxiinta.

Idale News Online,doorashada Garawe

You might also like More from author

Comments are closed.