Baarlamaanka DF soomaaliya oo xafiisyo ka furanaya Gobalada dalka Soomaaliya.

43

Muqdisho:Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa shaaca ka qaaday in saddexda bilood ugu horeysa ee sanadkaan in Gobalada dalka Soomaaliya ay ka hirgelin doonaan xafiisyo Baarlamanka uu ku leeyahay.

Jawaari ayaa ujeedada xafiisyadaasi, wuxuu ku saleeyay inay tahay ogaanshaha aaraahda dadweynaha iyo in shacabka ay heli karaan xafiisyo ay kala xidhiidhaan Baarlamaanka dalka.

Kahor dabaqayaada sanadka 2014 ayuu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inay doonayaan in Muqdisho lagu qabto shirweyne qaran oo dib u eegis loogu sameynayo Dastuurka federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka ayuu usheegay inaaney wanaagsaneyn in Xukuumadda lagu canaanto in Gobalada dalka ay gaarto, balse marka hore la rabo in Baarlamanaka uu uhorseedo tagitaanka Gobaladaasi.

Hadalkaan ayaa Guddoomiyaha Barlamaanka wuxuu ka jeediyay fadhiga Baarlamaanka oo looga hadlaaye qorshe howleedka Baarlamaanka dalka.

profJawaari

Idale News Online,Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.