Gabar la shaqeeneysay Hay’adaha Turkiga ee Magaalada Muqdisho jooga oo Xalay la dilay.

44

Muqdisho: Kooxo Bistoolado ku hubeesan ayaa Xalay  Gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha waxa ay ku toogteen haweemey la sheegay in ay la shaqeeneysay Hay’adaha Turkiga ee Mashaariicda kawada Magaalada Muqdisho.

Haweeneyda la toogtay ayaa la sheegay xiliga la dilayay in ay hor fadhiday Gurigeeda oo ku yaala Gudaha Suuqa Bakaaraha, Goob joogayaal ayaana ku waramay in Kooxaha hubeesana markii dilka geesteen kadib in aygoobta ka baxsadeen.

Ciidamo katirsan Dowlada ayaa dilka kadib goobta soo gaaray mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay falkan Xalay agu dilay Haweeneydan la sheegay in ay la shaqeeneysay Hay’adaha Turkiga ee Muqdisho jooga.

Ma ahan gabadhii ugu horeesay oo la shaqeenaysay Hay’ada Turkiga ee Magaalada Muqdisho lagu dilo , waxaana marar kala duwan Xaafado katirsan Magaalada Muqdisho lagu dilay gabdho iyo rag iyana la sheegay in Hay’ada Turkiga la shaqeenayeen.

dilqorsheysan

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.