8 Janaayo waa maalinta isbedelka Maamul Goboleedka soomaaliyeed Puntland.

37

Garowe:-Maanta Waa maalin lagu asteeyay isbedel buuran in uu ka dhaco Puntland iyadoo mudo 4 ama 5 sano ah la wada sugayay .

Magaalada Caasimada ah ee Garoowe ayaa la dareemayaa in aad looga diyaar garoobay Doorashada maanta waxaana indhaha iyo dhegaha dadku hayaan qalanka warbaahinta, oo si toos ah u baahineysa

Saacadu marka ay tahay 12ka oo ah kala barka maalinta maanta ah waxa la filayaa in Puntland uu u soo boxo nin kii maamuli lahaa sanadaha 5ta ah ee soo socda, waxaana dadku isla dhexmarayaan ninka uu noqon doono madaxweynaha 5taasi sano.

66-ka xildhibaan ee baarlamanka, Odayaal waxgarad, musharaxinta iyo marti sharaf kale oo aad u farabadan ayaa ku sugan hoolka baarlamanka waxaana ay iminka si toos ah u bilaaban doontaa shaqadii barlamanka ee aheyd in ay doortaan madaxweyne cusub iyo ku xigeenkiisa.

pl-election-20142

Waxii ku soo kodha isha ku hay Idale News Online.

You might also like More from author

Comments are closed.