Bam lagu tuuray xaafada Hanti-wadaag ee Degmada Jowhar oo khasaare dhaliyay.

76

Wararka ka imaanaya Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in qarax khasaaro geystay uu ka dhacay halkaasi.

Qaraxa oo ahaa Bam nooca gacanta laga tuuro ayaa waxaa lala eegtay ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar, gaar ahaan suuqa Jaadka lagu iibiyo ee xaafadaasi.
Askari ka tirsan ciidanka Dowladda ayaa ku dhaawacmay qaraxaasi, waxaa sidoo kale dhaawac uu soo gaaray wiil yar oo ku sugnaa suuqa jaadka.
Dhinaca kale God Cara kaawo ah ayaa wuxuu ku soo dumay shaqaalihii ka shaqeynaayay xaafada Horseed ee Magaalada Jowhar, iyadoo halkaasiuu ku geeriyooday hal ruux oo kamid ahaa shaqalihii godka ka shaqeynaye.

bam gacameed

Idale News Online,Jawhar,sh/dhexe.

You might also like More from author

Comments are closed.