Madaxweyne DF soomaaliya Xasan Sheekh oo Maanta Qaabilay Wakiilka Cusub ee Ururka Goboleedka IGAD (Sawirro).

97

Madaxweynaha dowlada DF soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Ururka IGAD u qaabilsan dalka Soomaaliya Ambassador Mohamed Abdi Afey oo bishii December loo magacaabay xilkan cusub.

Dajire Maxamed Cabdi Afey ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inuu maanta madaxtooyada ku soo booqdo Madaxweyne Xasan, isla markaana u ballanqaado sida ay uga go’antahay inuu Dowladda kala shaqeeyo arrimaha amniga iyo horumarka.

Madaxweynaha dowlada Muqdisho Xasan Sheekh ayaa u hambalyeeyey Ambassador Afey xilkan cusub isla markaana sheegey in IGAD iyo Dowladda ay wax badan ka soo wada shaqeeyeen, haddana la doonayo in aragtida fog ee dowladda laga shaqeeyo sidii loo fulin lahaa oo dalka Soomaaliya loo gaarsiin lahaa marxalad uu shacabku ku faani karo isla markaana caalamka aan kaalin fiican ka qaadan karno.

afey1

 

afey2

 

afey3

Idale News Online, Muqdisho.

You might also like More from author

Comments are closed.