feker kala duwanaasho ku dhex jirto Odayaasha dhaqanka ee ku hawlan dhismaha dowlad Goboleedka KG soomaaliya.

59

Baydhaba:Odayaasha Dhaqanka ee ku howlan shirka Maamul usameynta Gobalada Koonfureed ee dalka Soomaaliya oo waayahan uu soo kala dhexgalay kala aragti duwanaansho, ayaa iminka waxaa socoto dadaalo la doonayo in meesha looga saaro kala feker duwanaanshaha Odayaasha ka dhextaagan.

In Odayaasha ay kala feker duwanaadaan waxa ay ka dambeysay, kadib markii xubno kaqeybgalaya shirka Baydhabo ay soo jeediyeen feker ah maamulka Koonfur galbeed in laga dhiso saddex Gobal oo kamid ah Gobalada Koonfurta, halka Odayaasha qaarna ay doonayaan lix Gobal inay maamulkaasi usameeyaan oo ay ku jiraan Gobalada Axmed Madoobe uu ka taliyo.

Ugaas Xasan Ugaas oo kamid ah ergooyinka ka qeybgalaya shirka Baydhabo, ayaa idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, wuxuu usheegay inay iminka wadaan dadaalada ku aadan in meesha laga saaro kala feker duwanaanshaha Odayaasha oo abuuri karta khilaaf shirka ka dhasha.

Shirka Baydhabo ka socda ayaa lagu doonaya in Maamul loogu sameeyo lix Gobal oo Koonfurta Soomaaliya ku yaala ,kuwaasi oo kala ah Baay iyo Bakool, Ged iyo Jubbooyinka iyo Shabeelaha hoose, halka Odayaasha qaar ay doonayaan in saddex Gobal kaliya Maamulka loo sameeyo.

DM-baydhaba

Idale News Online, Baydhabo.

You might also like More from author

Comments are closed.