Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo la magaacabey iyo dib u dhigis lagu sameeyey go’aankii Caydiid Ilka Xanaf

15

Fadhi uu yeeshay barlamaanka cusub oo uu shir guddoomiyaayey Prof Max’ed Cusmaan Jawaari, ayaa magacaabey guddi ka kooban 16 xildhaan oo howshiisu tahay diyaarinta nidaamka doorashada hogaanka ugu sareeya ee dalka iyo waqtiga rasmiga ah ee la qaban doono madaxtinimada, waxay kala yihiin xubnaha guddigaan:

  1. Jeneral Muuse Xasan Cabdulle
  2.  Khadiijo Maxamed Diiriye
  3. Maxamed Cumar Maxamuud
  4. Ibraahim Saalax Deyfullah
  5. Axmed Cismaan Ibraahim
  6. Sacdiyo Careys Ciise
  7.  Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
  8.  Daahir Amiin Jeesoow
  9.  Cismaan Maxamed Cabdi Daallo
  10.  Maryan Cariif Qaasim
  11.  Axmed Aadan C/raxmaan
  12.  Saynab Maxamed Caamir.
  13. Axmed Aadan Axmed
  14. Cismaan Libaax Ibraahim
  15.  Aweys C/laahi Ibraahim
  16.  Muumino Sheekh Cumar

Sidoo kale waxaa goobta shirkii 1aad ee uu shir gudoomiyo guddoomiyaha cusub ee Barlamaanka lagu dhaariyey xubno cusub oo guddiga soo xulista barlamaanka soo gudbiiyey kuwaas oo ka kooban 7 xildhibaan oo kala ah:

1 Jawaahir Axmed Cilmi
2 Maxamed Isaaq Cusmaan
3 Maxamed Cabdi Maxamed “Gaandi”
4 Shariif Maxamed Saciid
5 Xaliimo Xasan Cumar
6 Nuur Maxamuud Xuseen
7 Cumar Cali nuur

Ugu dambeyntii waxuu barlamaanka isku raacey in dib loo dhigo go’aankii ay Maxkamada Sare kaligeed ku gaartey iney dhaariso isla markaasna kaararkii aqoonsiga siiso 17 xildhibaan oo guddiga farsamada ee soo xulista barlamaanka ay diideen, beelahooda ka codsadeen in bedelkooda la keeno.

Lama oga, waxa uu barlamaanka cusub ee Soomaaliya ka yeeli doono muranka u dhaxeeya Maxkamada Sare iyo Guddiga Farsamada ee Soo Xulista Barlamaanka oo ka kooban 27 xubnood, kuwaas oo ku tilmaamey go’aanka Maxkamada sare yahay waxba kama jiraan, isla markaasina sheegey in Maxkamadii Sare waqtigeedu dhamaadey, Caydiid Ilka Xanafna go;aan kaligiis gaari karin.

Xafiiska Warqabadka Idale News Muqdisho

Siyad Macalin Axmed siyad_macalin@hotmail.com

You might also like More from author

Comments are closed.