Ku Xigeenka Duqa Magaalada Gaalkacyo oo Maanta Ku Dhaawacmay Qarax.

92

War hada soo dhacey ayaa sheegaaya in Ku-xigeenka duqa magaalada Gaalkacyo Cabdi Cismaan Faarax uu maanta ku dhaawacmay qarax miino oo lagu aasay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Garsoor.

Duqa magaalada Gaalkacyo ee Puntland Axmed Cali Salaad ayaa Al-Shabaab ku eedeeyay isku dayga dil ee lala damacsanaa ku xigeenkiisa.

Wuxuu tilmaamay in ciidanku ay wadaan baaritaan lagu ogaanayo cidda ka dambeysay falkaas.

Dhaawaca Cabdi Cismaan Faarax ayaa la sheegay inuu yahay mid fudud, isagoo la geeyay Isbitaalka magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cabdi-Cismaan-Faarax

Idale News Online, Mudug, Gal-kacyo.

You might also like More from author

Comments are closed.