War CULUS: A-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ku dagaalamay Gobalka Bakool

147

Wararka inaga soo gaaraya deegaano ka tirsan Gobalka Bakool, ayaa sheegaya in shalay halkaasi ku dagaalameen ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo dadka deegaanka oo ka carooday tallaabo uu doonaye inuu ku dhaqaaqo sarkaal ka tirsan Shabaab.

Dagaalka dadka deegaanka iyo Shabaab dhexmaray, ayaa yimid kadib markii sarkaal sare oo Shabaab ka tirsan uu damcay inuu iibsado dhulweyn oo ku yaala inta udhaxeysa Rabdhuure iyo Waajid, taasi oo dadka deegaanka ay siwadajir ah uga soo wada horjeesteen.

Dhulka uu doonaye inuu iibsado sarkaalkaasi ayaa wuxuu yahay dhul danguud ah oo xilliyada ciidaha Salaada lagu dukado, wuxuuna udhaxeeya Rabdhuuro iyo Waajid deegaano ka tirsan.

Dagaalka dhexmaray Shabaab iyo dadka deegaanka, ayaa wuxuu sababay dhimasho soo gaartay qaar kamid ah dadka deegaanka, oo tiradooda lagu sheegay ilaa labo ruux, laakiin lama oga Shabaab dhimashada iyo dhaawaca soo gaaray.

Ciidamo ka tirsan Shabaab oo aad ubadan ayaa ka yimid dhanka Degmada Waajid iyadoo qaar kamid ah dadkii dagaalamaye ay gacanta ku dhigeen oo Degmada Waajid ay ukaxeysteen.

Al-Shabaab ayaa dadka caburiya, kuna qasba hadba ujeedooyinka ay leeyihiin,laakiin maalmahan dambe waxaa biloowday dad kasoo horjeeda fekerka Shabaab iyo ujeedooyinka ay leeyihiin oo dagaal toos ah gacanta ugula tagay.

download (1)

Idale News Online,Bakool, somalia

You might also like More from author

Comments are closed.